Wasiirka warfaafinta Ayaa Ku Dhawaaqay Hadal Saxaafadda Cubudhinaya

0
194 views

Wasiirka warfaafinta ayaa ku dhawaaqay hadal saxaafadda cubudhinaya isaga oo sheegay in aanay masuuliyiinta dawladdu adeegsan doonin saxaafadda madaxa bannaan laakiin, ay adeegsan doonan saxaafadda dawladda, sidoo kalena culays la saari doono tifaftireyaasha iyo agaasimeyaasha warbaahinta madaxa bannaan.
Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri Barwaaqo) ayaa golaha wakiillada u sheegay in ay isla garteen in madaxda dawladdu adeegsato warbaahinta xukumadda “Wasaaradda warfaafintu waxay noqon doonta mid isku xidha goleyaasha, wasaaraddaha iyo dawladda, waxaanu isla garanay ama noo qorshaysan in aanay madaxda dawladdu heerka ay doonan ba ha ahaadaane aanay adeegsan warbaahinta gaarka ah ee ay adeegsan doonan warbaahinta dawladda ee wasaaradda warfaafinta,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Guri Barwaaqo.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in aan warbaahinta dawladda iyo tan madaxa bannaan loo adeegsan doonin qabyaalad ama warar salaadiintu beelo ku durayso. Waxa kale oo uu sheegay in saxaafadda oo hore loo xidhi jiray suxufiyiinta aanay taasi dhici doonin laakiin, hay’addaha warbaahinta, tifaftireyaasha iyo agaasimeyaasha lala xisaabtami doono.
Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland
Contact@sayruuq.com
Muuqaalka warkan halkan ka daawo

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.