Wasiirka Macdanta Oo Daahfuray Hagaha iyo Habraaca Aaga Tamarta+Sawiro

0
258 views

Wasiirka Macdanta Oo Daahfuray Hagaha iyo Habraaca Aaga Tamarta
Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo Maanta usoo Bandhigtay shirkadaha Korontada Hagaha Fidinta/Qaybinta Korontada { Distribution Guidelines }.

Hargaysa(Sayruuq)-Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa Maanta Soo ban dhigtay Buuga hagaha Fidinta korontada oo in Muddo ah ay kawada shaqaynayeen Wasaaradda, Hay`ada Geel iyo Shirkadaha Korontadu.

Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal oo furitaankii shirka hadal ka soo jeediyey ayaa ku bogaadiyey Hay`ada Geel iyo Waaxda Tamarta ee Wasaaradda soo bandhigista iyo soo gudbinta Buuga Hagaha Fidinta ama Qaybinta Korontada,waxaanu wasiirku sheegay in ay ka wasaarad ahaan ay ka go`antahay samaynta iyo Abuurida Xeerar iyo Qawaaniin lagu maamulo qaybaha kala gedisan ee korontada dalka.

Dhinaca kale Waxaa Iyana dhankooda halkaa ka hadlay Qaar kamida ka qayb galayaashii Shirka oo U badnaa Madaxda Shirkadaha korontada waxaanay si isku mida u soo wada dhaweeyey Buuga Hagaha Qaybinta/fidinta Korontada.

Gabagabadii kulanka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo macdanta ayaa shahaado Sharaf Gudoon siiyey Eng. Mustafe oo qayb weyn ka qaatay Samaynta Hagahan.


Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.