Wasiirka Khaarajiga Itoobiya Oo Madaxweyne Muuse Qaabilay

0
88 views

Wasiirka Khaarajiga Itoobiya Oo Madaxweyne Muuse Qaabilay

Addis Ababa(Sayruuq) Wasiirka arrimaha dibada dawladda federalka Itoobiya Dr Workneh Gebeyehu ayaa madaarka ku soo dhaweeyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Qoraal lagu daabacay bogga wasaaradda arrimaha dibada Itoobiya ayaa lagu sheegay in Dr Workneh Gebeyehu la dhacsan yahay doorka shariifka ah ee ay jamhuuriyadda Somaliland ka ciyaarto ammaanka iyo xasilloonida gobolka.

Wasiirka arrimaha dibada Itoobiya ayaa intaas ku daray in jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya leeyihiin xidhiidh xooggan oo ganacsi.

Madaxweyne Muuse oo la filayo in uu 3 cisho joogo Addis Ababa ayaa la filaya in uu kulan la qaato ra’isal wasaaraha dalkaasi, islamarkaana ay isla eegaan xidhiidhka ganacsiga, ammaanka gobolka iyo iskaashiga labada dhinac.

Wasiirka Kharajiga Itobiya Iyo Madaxweyne Muuse Wasiirka Kharajiga Itobiya Iyo Madaxweyne Muuse

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.