Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland Oo Buuhoodle Lagu Soo Dhaweeyay

0
875 views
Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland Oo Buuhoodle Lagu Soo Dhaweeyay

Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland Oo Buuhoodle Lagu Soo Dhaweeyay

Wasiirka hawlaha guud ee Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa gaadhay magaalada Buuhoodle halkaasi oo si balaadhan loogu soo dhaweeyay. Bulshada soo dhawaysay iyo wasiirka ayaa soo jeediyay in aan loo baahnayn in Puntland colaad u soo rarto gobolka Buuhoodle, islamarkaana fidno ka abaabusho.

Wasiir Qambi oo bulshada la hadlay waxa uu ugu baaqay in ay nabada ilaashadaan kana fogaadaan durbaanka qabyaaladda ee Puntland garaacayso kuna waydiisanayso ciidamo, hub iyo adduun si ay ula dagaallanto Somaliland.

Kadib markii dhawaan madaxweyne xigeenka Puntland yimid Buuhoodle lana sheegay in hub lagu wareejiyay waxa soo dhawaynta wasiir Qambi laga dheehanayay dhoollatus dhanka hubka ah iyada oo gaadiidka hubku saaran yahay oo kala duwan lagu dhex arkayay soo dhawaynta wasiir Qambi

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.