Wasiirka Caddaaladda Oo Soo Xidhay Barmaamijka Maxbuus La Afur..

0
247 views
Wasiirka Caddaaladda Oo Soo Xidhay Barmaamijka Maxbuus La Afur..

Wasiirka Caddaaladda Oo Soo Xidhay Barmaamijka Maxbuus La Afur..

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Md. Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo uu wehelinayo Taliye ku Xigeenka Ciidanka Asluubta sareeye guuto Cali Xasan Dheere ayaa soo Gabagabeeyey Barnaamijka Maxbuus Madaxweynahaaga la Afur Kaas oo bishan Ramadaan ka socday Xabsiyada dalka.

Sida ay ku Warantay Wakaalada Wararka Somaliland ee SOLNA Munaasibad lagu soo Gunaanadayey Barnaamijka Maxbuus la Afur Madaxweynahaaga oo Mudadii Bisha Ramadaan lagu Afurinayey Maxaabiista Dalka ayaa lagu qabtay Xabsiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa.

Ugu horeyna Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa gaashaanle sare Cumar Jaamac ayaa Faahfaahiyey sida ay ugu reeyeen Maxaabiista Xabsigu Afurkii uu Madaxweynaha Soomaliland Md Muuse Biixi Cabdi u Sameeyey, isagoo tilmaamay in Maxaabiistu ay Madaxweynaha iyo Wasiirka Cadaaladaba uga Mahad Celinayaan Afurkaasi ay u sameeyeen.

Geesta kalena Taliye ku Xigeenka Ciidamada Asluubta sareeye guuto Xasan Cali-Dheere ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey fikradii iyo Fulintii Barnaamijkaasi oo Maxaabista Dalku Mahadiyeen, Wasiirka Cadaaladdana Waxa uu ku Amaanay Degaalkii Badnaa ee uu Barnaamijkan galiyey.

Gabagabadiina Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Md C/Qani Maxamuud

Caateeye “Fariid” oo munaasibadaas ka hadlay ayaa Mashruucaasi ku Tilmaamay mid Ugub ah oo Madaxweyne Muuse Biixi Bilaabay, Wasiir Caateeye Waxa uu intaasi ku daray in natiijo Wanaagsani ka soo baxday Dhamaan 14 Xabsi ee Dalka ku yaala oo Si siman looga fuliyey Barnaamijkaasi Maxbuus Madaxweynahaaga la Afur.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.