Wasiirka Caddaaladda Oo Qaabilay Safiir Xigeenka Holand

0
318 views
Wasiirka Caddaaladda Oo Qaabilay Safiir Xigeenka Holand

Wasiirka Caddaaladda Oo Qaabilay Safiir Xigeenka Holand
Wasiirka wasaaradda caddaaladda JSL Eng Cabdiqani Maxamud Cateeye oo uu wahelinayo agaasimaha guud ee wasaaradda caddaaladda Md. Xuseen Maxamed Maxamud ayaa kulan balaadhan xafiiskiisa kula qaatay safiir kuxigeenka cusub ee wadanka Holland u fadhiya wadamada Somaliland iyo Somalia Mr. Roelaf Haveman

Ujeedada kulankan ayaa ahayd Isbarasho iyo sidii wadanka Holland uu Somaliland uga caawin lahaaa dhinacyada horumairnta adeega caddaaladda, dib u habaynta iyo casriyeynta xabsiyada Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan xarumaha dhaqan celinta carruurta sharciga khilaafta.

Ugu horayn wasiirka wasaaradda caddaaaladda JSL Eng Cabdiqani Maxamud Cateeye wuxu safiir kuxigeenka cusub uga mahadnaqay booqashada uu ugu yimid xafiiskiisa wuxuuna ka shekeeyey xidhiidhka qotada dheer ee ka dhaxeeya wadamada Somaliland iyo Holland.

Dhankiisana safiir kuxigeenka wadanka Holland u fadhiya wadamada Somaliland iyo Somalia Mr. Roelaf Haveman ayaa wasiirka uga mahadnaqay sida diiran ee uu ugu soo dhaweeyey xafiiskiisa wuxuuna xusay inay booqashadani tahay tii ugu horeysay ee ku yimaado Somaliland tan iyo magacaabistisa loogu magacaabay safiir kuxigeenka uuna aad ugu faraxsanyahay inuu joogo somaliland wuxuuna sheegay inuu ka shaqayn doono sidii xidhiidhka labada wadan uu usii xoojin lahaa, gaar ahaana uu wasaaradda caddaaladda JSL ay Holland ugala shaqayn doonto dhinacayada helitaanka adeeg caddaaladded (Access to justice) iyo doorka sharciga (role of law).
Wasiirka Caddaaladda Oo Qaabilay Safiir Xigeenka Holand

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.