Wasiirka Caddaaladda Oo Golaha Wasiirrada Ka Difaacay Eedaha Loogu Jeediyo Da Yaraanta

0
503 views
Wasiirka Caddaaladda Oo Golaha Wasiirrada Ka Difaacay Eedaha Loogu Jeediyo Da Yaraanta

Wasiirka Caddaaladda Oo Golaha Wasiirrada Ka Difaacay Eedaha Loogu Jeediyo Da Yaraanta

Hargeysa(Sayruuq) Wasiirka wasaaradda Caddaaladda JSL mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa golaha wasiirrada madaxweyne Biixi ka difaacay eedaha ku saabsan da yaraanta iyo waayo aragnimo la’aanta oo siyaasiyiintu u jeediso. Waxa uu sheegay in golaha wasiirradu ka kooban yihiin saddex lod oo kala ah wasiirro wakhti hore soo shaqeeyay, kuwo wakhti dhexe ahaa iyo kuwo hadda ku cusub shaqada oo muhiim u ah mustaqbalka Somaliland.

Siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa u dambeeyay siyaasiyiinta dhalliilay golaha wasiirrada waxaanu sheegay in madaxweyne Biixi dirtay wasiirro adeecsan oo amarkiisa uun ku socda laakiin, wasiir Caateeye oo eedaha noocaas ah ka jawaabaya ayaa sheegay in dadka oo dhan waajib ku tahay adeecidda hoggaankooda marka laga eego dhanka Diinta.
“Waxa la yidhaahda waa wasiirro yaryar oo madaxweynahooda u daacad ah, marka daacadnimadii baa ceeb noqotay.

Waxaynu soo qaadanayna Xadiis macnihiisu noqonayo ‘Cidda talada haysa waa hadhka Alle oo kale, ciddii xumaysa Allena way xumeeyeen, ciddii karaamaysana Allena way Karaameeyeen’ marka ka xil ahaan iyo ka wasiir ahaan maaha ee dhammaanteen waxa maanta inoo Uulul Amri ah madaxweynaheena JSL mudane Muuse Biixi Cabdi, ceebna maaha in aanu anagu addeecno idinkuna addeecdaan,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Cabdiqani Caateeye.

Wasiirkan da’da yar waxa kale oo uu golaha wasiirrada ka difaacay eedaha loogu jeedinayo dhallinyaranimada “Golaha wasiirrada Somaliland marka uu madaxweynuhu sameeyay aniga Cabdiqani ahaan fikirkayga waxaabad moodda in ay qaaciido xisaab ah ku dhisan tahay; waa wasiirradii waaweyne sida Ina Kaahin oo kale(Wasiirka Daakhiliga) Aabbahay Maxamuud Caateeye ayay golaha wasiirrada ka wada mid ahaayeen, marka waxaanu is ag fadhina Ina Kaahin oo ay Aabbahay wasiirro wada ahaayeen 1991. Qolada kale waa wasiirro dhexe oo kuwaas ka dambeeyay sida Axmed Muumin Seed oo dhexdii ahaa iyo wasiir Cabdiqani oo kale oo imika soo galay, marka waa 1+1 oo u dhiganta mustaqbalka Somaliland ama aayaha dadkii looga tagayay oo haddii la yidhaahdo yaanay yaryar soo galin..,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Caateeye.

Wasiirku waxa uu tusaale u soo qaatay bulshada uu ka soo jeedo oo shakhsiyaad kooban uun loo dhiibi jiray xilka wasiirnimada “Waad taqaanan oo bulshada aan ka soo jeedo lix nin ayaa gabigeedaba(Wasiirnimada) isku wareejin jiray. Lix waji oo kaliya ayuun bay ahaayeen marka haddii la soo kordhiyo oo la yidha aynu dad uga tagno Somaliland cid diidan ma jirto mucaarad iyo muxaafad waana dad wada ehel ah,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Caateeye.

Wasiir Caateeye ayaa u muuqda in uu ka gilgishay eedaha wasiirrada loo jeediyo oo imbadan golaha wasiirradu ka aamusnaayeen, islamarkaana mararka qaar madaxweyne Biixi difaaci jiray wasiirradiisa.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.