Wasiirka Caddaaladda Oo Furay Kulamo Lagu Falanqaynayo Siyaasadda Caddaaladda & Xuquuqal Iisaanka

0
195 views
Wasiirka Caddaaladda Oo Furay Kulamo Lagu Falanqaynayo Siyaasadda Caddaaladda & Xuquuqal Iisaanka

Wasiirka Caddaaladda Oo Furay Kulamo Lagu Falanqaynayo Siyaasadda Caddaaladda & Xuquuqal Iisaanka

Wasiirka wasaaradda caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa furay kulan lagu lafo gurayo siyaasadda Caddaaladda ee heer Qaran. Taliye xigeenka ciidanka asluubta Somaliland gashaanle sare Xasan Cali Dheere iyo qaybaha garsoorka ee Somaliland ayaa ka qayb galay kulanka oo lagu soo bandhigay buugga siyaasadda Caddaaladda Qaranka.

Taliye xigeenka asluubta ayaa soo dhaweeyay kulanka lagu falanqaynayo siyaasadda caddaaladda “Haddii aanu ciidanka asluubta nahay aad baanu u soo dhawaynayna shirkan, tallaabo kasta oo la qaadayana waxaynu u baahan nahay in ay mid caddaaladeed noqoto oo wax badan ina taraysa haddii aynu nahay hay’addaha sharciga iyo wasaaradda caddaaladda,” Sidaas ayaa hadalkiisa ka mid ahaa Sareeye guuto Xasan Cali Dheere.

Wasiirka Caddaaladda Somaliland ayaa ka qayb galeyaasha ku boorriyay in wixii wax tar u leh caddaaladda ay ku kordhiyaan buuggan ka qayb galeyaashu “Kulankan ujeedadiisu waxa weeye sidii loogu dhaqmi lahaa shuruucda dalka u taalla iyo ta caalamiga ahba oo wax ka tari doonta siyaasadda Qaran ee Somaliland. Waa waxa aanu doonayno in aanu caddaaladda Somaliland kor ugu sii qaadno muddada aanu joogno waxaanu jecelahay in aad wax kasta oo ku kordhin kartaan ku kordhisaan,” Sidaas ayuu yidhi Eng Caateeye.

Geesta kale waxa uu wasiir Caateeye kulan muhiim ah u furay taliyeyaasha ciidamada asluubta Somaliland ee gobollada kaas oo lagu korodhsanayo aqoon ku saabsan xuquuqda bani’aadamka. Masuuliyiinta ciidamada ayaa lagu baraarujinaya sida haboon ee ay ula dhaqmayaan qof xorriyadda laga qaaday iyo sidii Somaliland u waafaqi lahayd halbeegyada caalamiga ah ee caddaaladda adduunka.

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda ayaa ku boorriyay masuuliyiinta ciidamada in ay cabsiyada ku tarbiyadeeyaan dadka la soo xidho si iyaga oo asluub leh ay bulshada ugu soo noqdaan “Maaddaama oo aad waalid oo kale tihiin waa in qofkii jeelka ka soo baxo isaga oo asluub leh.Waalidku wuxuu ilmaha u tababara si uu bulshada u dhexgalo isaga oo akhlaaq leh idinkana waxa la idiinku keenay maaha in aynu cabudhino qofka haddii aynu nahay bahdii caddaaladda in qofka la ciqaabo maaha ee waalid baad tihiin waa in qofkii isaga oo akhlaaq leh oo sharaf leh oo karaamo leh umaddii dhexgalo,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Caateeye.

Taliye xigeenka ciidamada asluubta ayaa masuuliyiinta ciidamada ee ka kala yimid gobollada Sool, Sanaag, Togdheer, Awdal, Maroodijeex Iyo Saaxil kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan muddada uu socdo aqoon is waydaarsigan, islamarkaana weeleeyaan arrimaha lagu falanqayn doono ee khuseeye xuquuqda bani’aadamka iyo shuruucda caddaaladda.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here