Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Sheegay In Somalia Ciidamo Soo Ururisay

0
209 views
“Puntland Reer Galbeedkay Lacag Kaga Qaadata Shabaabka Buuraha Galgala,” Somaliland

Hargeysa(Sayruuq) Wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in ilaa afar gobo loo Soomaaliya ah laga soo qaaday ciidamo la dul keenay ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhiya aagga Tukaraq.

Farmaajo wuxuu bulshada caalamka u sheegay in aanu colaad wadin Somaliland-na uu wada hadal la galayo, labada dhexdooda waxba ku jira oo waxa ku jira ciidamada dhooban Godqaboobe iyo Garoowe dhexdooda oo ah ciidamada laga soo ururiyay afar gobol oo Soomaaliya ah oo ah gobollada dhanka waqooyi ku yaalla oo dhan,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Maxamed Kaahin.

Wasiirku waxa uu beesha caalamka u diray baaq ah in aanay Somaliland masuul ka ahayn xiisadda ka aloosan Somaliland iyo Soomaaliya dhexdooda, islamarkaana aanay qaadi doonin masuuliyadda wixii halkaas khasaare ka yimaadda.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.