Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Ceelafweyn

0
136 views
Wasiir Kaahin Oo Buunbuuniyay Khilaafka Waddani

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Ceelafweyn

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa beelaha ku dagaallamay Ceelafweyn oo ka tirsan gobolka Sanaag si degdeg ah loo joojiyo. Waxa uu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in tallaabo laga qaado cid kasta oo ku lug leh colaadda ka dhex taaggan beelaha walaalaha ah ee halkaasi wada degan.

Wasiirku wuxuu sheegay in madaxweyne xigeen Saylici ku sugan yahay aaggaas Ceelafweyn sidoo kalena ciidamada Qaranka iyo kuwa booliska la geeyay degaanka kuwaas oo ilaa Hargeysa laga diray. Waxa uu bulshada degaanka iyo odayaasha ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada iyo waxgaradka ku hawlan arrimaha xasilinta ammaanka.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa ku dheeraaday sida ay beelaha dagaalku u dhexeeyo ee degaanka Ceelafweyn u yihiin dad is dhalay oo aanay anfacayn colaaddu isaga oo tilmaamay in khasaaraha dagaalku dhaliyay hal maalin gaadhayo kontomeeyo qof oo dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaalka Dorraad ayaa sababay dhimasho 20 qof ku dhaw iyo dhaawac sodomeeyo ah waxaana intaas kadib beelaha kala dhex galay ciidamada. Dadaallo badan oo lagu heshiisiiyay beelahaasi ayaan midho dhal noqon iyada oo ay u muuqato in aan wali la dhayin qiimaha rasmiga ah.

 

  1. M. Xigeen Saylici Oo Canaantay Beelaha Ceelafweyn
  2. Daawo: Xiisad Ka Soo Korodhay Degmada Ceelafweyn

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.