Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Joojiyay Ka Gar Naqa Ashkatooyinka Dhulka Kuna

0
35 views
Wasiir Faratoon Oo Masuuliyiin Magacaabay

Boorama(Sayruuq) Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ayaa shaaciyay in gabi ahaanba la xayiray ka garnaqa dhulka, islamarkaana guddida dhulka iyo maxkamaddaha dalku aanay qaadi doonin gar ku saabsan dhulka, sidoo kalena aanay qaabili doonin ashkatooyinka dhulka ku lug leh.
Wasiirka oo shalay magaalada Boorama ka hadlayay ayaa arrintan ku dhawaaqay “Waxaan idiin sheegaya dhulku ilaa doorashadu ka dhacdo wuu xidhan yahay. Wax dhul ah oo ashkatadooda guddida dhulka iyo maxkamadduhu qaadayaan ama la dhaqdhaqaajinaya ma jiro muddada doorashada ka hadhay,” sidaas ayuu yidhi wasiir Faratoon.

Wasiirka ayaa sheegay in muranka dhulku meel walba oo dalka ah ka taaggan yahay “Dhulku wuxuu noqday fidno, dhibaato badan baa inaga haysata, waddanka oo dhan bari ilaa galbeed inta ka dhex leh dhibaato dhul baa ka socota, marka waxaanu garanay in muddada la xakameeyo oo dhibaatadiisa la inaga daayo oo aynu hakino wax ka qabadkiisa. Doorashada afartameeyo cisho ayaa inooga hadhay ee wixii ka dambeeya ha la galo hawlaha dhulka,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Faratoon.
Muranka dhulka ayaa magaalooyinka waaweyn si weyn looga dareema sida ay dhawr goor sheegeen masuuliyiinta garsoorka kadib markii dhulku noqday il dhaqaale oo muhiim ah, islamarkaana marba mark aka dambeysa uu kor u sii kacayo qiimihiisu.
Boorama-Somaliland
Sayruuqnews

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here