Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Sheegay In Saldhigga Militari Ee Berbera Sidiisii Yahay

0
103 views
“Citiraafka Cabsi Ba Naga Hor Taaggan,” Wasiir Sacad 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa magaalada London kula kulmay xubno ka mid ah baarlamanka UK. Wuxuu BBC u sheegay inuu kala hadlay halka ay Somaliland siyaasadeedu ku wajahan tahay, gaar ahaan wixii ka dambeeyey doorashadii madaxtinimada ee Somaliland ka dhacday Nofembar 2017.

Waa socdaalkii ugu horreeyey ee wasiirku uu Britain ku tago tan iyo markii uu hogaanka qabtay Muuse Biixi Cabdi. Wuxuu kaloo ka hadlay wixii ay ka wada hadleen iyaga iyo wafdi Iimaaraadka ka socday oo dhawaan Hargaysa tegey.

Waxaan uga xogwaramay geedi socodka Somaliland khaasatan doorashadii dhawayd iyo wixii ka dambeeyay iyo waxa yoolka iyo bartilmaameedka u ah dawladda uu hoggaaminayo Muuse Biixi Cabdi,” Sidaas ayuu yidhi wasiirka oo ka hadlayay kulan ay la qaateen xubno ka mid ah baarlamaanka Ingiriiska oo iskugu jira xisbiyada oo dhan taageerana qaddiyadda Somaliland.

Geesta kale waxa la waydiiyay wefti Imaaraad ah oo dhawaan u yimid hakintii Madaxweyne Muuse ku sameeyay Saldhiga Berbera laga siiyay Imaaraadka “Wuu jiray wefti ka yimid Imaaraadka; waxay la kulmeen wasiirro badan, madaxweynaha laftiisu wuu marti qaaday oo way la kulmeen waxaana laga hadlayay waxyaabo la xidhiidha iskaashiga labada dhinac, xagga horumarka iyo dhinaca nabadgalyada labadaba,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad.

Wasiirka oo la waydiiyay in laga wada hadlay arrimihii hakinta keenay wuxuu sheegay in aan Saldhiga la joojin doonin “Waxaa jiray caqabado xagga farsamada ah oo keenay in mar hakad uu ku yimaaddo geedi socodka dhismaha Saldhigga, arrimahaas waa laga wada hadlay arrinkaasna waa la xalliyay xalkiisana waa lagu jira wixii dhiman. In Berbera Saldhiga laga dhiso iyo in kale waa arrin baarlamanka maray oo imika sharci ah, sharciga lagama noqon oo kaasi sidiisii weeye, sidii loo heshiiyay ayaa loo wada oo uu u soconaya.”

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.