Wasiir Shide Ma Noqdo Doona Madaxweynaha DDSI?

0
564 views
Magacyada Xubno Awood Badnaa Oo Laga Eryay Xisbiga DDSI
Wasiir Axmed Shide

Wasiir Shide Ma Noqdo Doona Madaxweynaha DDSI?
Xisbiga Gobolka Soomaalida Itoobiya Ayaa Sheegay In Doorashada Axmed Shide Lagu Soo Afjarayo Qalalaasaha Jigjiga
Addis Ababa(Sayruuq) Xisbiga haya talada Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa kulamo uga socday Addis Ababa shalay ku doortay Guddoomiye cusub. Kulanka xisbiga ayaa ka dacay magaalada Addis Ababa, waxaana xubnuhu doorteen Axmed Shide Maxamed oo ah Wasiirka Warfaafinta xukumadda Federaalka Itoobiya oo hoggaamin doona Xisbiga Dimoqraadiga ee Shacabka Soomaalida Itoobiya ESPDP.

Saraakiisha ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa idaacadda VOA u sheegtay in muddada guddoomiyaha cusub uu talada haynayp ay tahay ilaa laga qabanayo shirweynaha xisbiga oo dhici doona dhowaan.
Jagadaasi waxaa horey u hayey madaxweynihii hore ee gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo la sheegay inay haatan ku sugan yahay magaalada Addis Ababa.

Madaxweynaha Gobolka ayaa ah Axmed Cabdi Maxamed oo toddobaadkii hore isna xilkaasi kala wareegay Cabdi Maxamuud Cumar ahna madaxweynaha ku meelgaadhka ah.

Khadar Cabdi Ismaaciil oo ah madaxa xarunta dhexe ee xisbiga Soomaalida Itoobiya oo telefishanka Universal uga warramay arrintan waxa uu sheegay in guddoomiye Axmed Shide xilka loo doortay yahay hoggaaminta xisbiga, islamarkaana uu sii ahaan doono wasiir Federaalka ah. Waxa uu ku dooday in aanu xilka loo doortay ahayn madaxweynaha dawlad degaanka. Isaga oo ka hadlaya ujeedada xilka loogu dhiibay Axmed Shide wuxuu sheegay in xal loogu raadinayo dhibaatadii dhawaanahan ka jirtay Jigjiga iyo guud ahaan gobolka Soomaalida.

Haseyeeshee mucaaradka xukumaddii Cabdi Ilay ayaa ku doodaya in arrintani hordhac u tahay isbedelka hoggaanka dawlad degaanka maaddaama ay hore u saluugeen madaxweynaha ku meelgaadhka ah.

Inta badan xisbiyada Itoobiya madaxweynaha gobolka ayaa loo doorta hoggaamiyaha xisbiga waxaanay u muuqata in xilka Axmed Shide gogol xaadh u yahay madaxweyninimada gobolka Soomaalida.

Ra’isal wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa markii la dooranayay waxa loo doortay guddoomiyaha xisbiga Oromada sidaasna kadib loogu doortay hoggaanka xisbiga isbahaysiga talada haya oo cidda guddoomiyaha ka ah noqonayso ra’isal wasaaraha Itoobiya.

Source: Wargeyska Waaberi
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.