Wasiir Sheegay In Maayarradu Boob Ku Hayaan Dhulka

0
308 views
Wasiir Sheegay In Maayarradu Boob Ku Hayaan Dhulka

Wasiir Sheegay In Maayarradu Boob Ku Hayaan Dhulka
Hargeysa(Sayruuq) Wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryaynta Somaliland ayaa diwaangelinaysa Hantida ma guurtada ah ee Qaranka. Hawlgalkan ayaa laga fulinayaa dhammaan gobollada Somaliland sida ay sheegeen masuuliyiinta wasaaradda.
Wasiirka hawlaha guud Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa shalay tababar u furay shaqaalaha ka shaqaynaya diwaangelinta hantida Qaranka. Agaasimaha waaxda dhulka iyo guryaynta Maxamuud Maal Cali iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur ayaa sheegay in shaqaalaha lagu tababarayo sidii ay u diwaangelin lahaayeen guud ahaan hantida Ma Guurtida ah ee wasaaraddu u xilsaaran tahay. Waxay sheegeen in ay shaqo balaadhan tahay oo laga fulinayo guud ahaan gobollada dalka.
Wasiirka hawlaha guud Cabdi Rashiid Ducaale Qambi wuxuu sheegay in diwaangelintu dalka ka bilaamayso 1-da bisha soo socota, islamarkaana ay socon doonto muddo ku siman 20 cisho “Diwaangelinta Hantida ma guurtada ah oo dalka oo dhan ka dhacaysa oo bilaamaysa bisha September kowdeeda waxa weeye in la diwaangeliyo wixii hanti ma guurto ah ee dawladdu leedahay; dhul ha ahaato, guryo ha ahaado, meelaha caafimaadka, iskuullada ama meel kasta oo dawladdu leedahay, dhisme kasta oo dawladdu leedahay in la diwaangeliyo oo ay Kaydadkan (Server-rada) Hargeysa yaalla ku soo dhacaan marka la diwaangeliyo,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Qambi oo shaqaalaha ku boorriyay in ay muddada 20-ka cisho ah ku dhammaystiraan hawshan oo ah in mashiinno caasimadda yaalla laga wada heli karo dhammaan hantida Qaranka.
Wasiirka oo ka hadlayay sababta loo diwaangelinayo Hantidu wuxuu sheegay in lagu mamay Hantida dawladda waxaanu magacaabay maayarrada, qaybaha dawladaha hoose iyo dad ka baxsan oo aan dawladdaba xil u hayn “Waxa jira imbadan oo Maayarrada ka mid ah, imbadan oo ka mid ah dawladaha hoose, imbadan oo dad dawlad ba xil u haya ahayn in dhulkii sida aanu sideedii bilood ee u dambeysayba u jeedinaynay in dhulkii boob lagu hayo oo sidii aanu horeba u sheegnay uu noqday adhigii dhoofayay, meel iyo cid la nabad galinayaana aanay jirin intii aanu ilaalin karayno iyo intii aanu gaadhi karaynana aanu ka shaqayno,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Qambi.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.