Wasiir Seed Oo Ka Hadlay Buugga Wasiir Guribarwaaqo

0
1,183 views
Wasiir Seed Oo Ka Hadlay Buugga Wasiir Guribarwaaqo

Wasiir Seed Oo Ka Hadlay Buugga Wasiir Guribarwaaqo

Wasiirka wasaaradda beeraha ee Somaliland mudane Axmed Muumin Seed ayaa la waydiiyay aragtidiisa buuqa ka dhashay buugga uu qoray wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo waxaanu sheegay in ay haboon tahay in haddii wasiirka khalad ka dhacay si odaynimo ah loo saxo.

Wasiirka oo waraysi siinayay madaxa Hadhwanaagnews Najax Aadan Cunaaye ayaa arrintan si kooban oo talo odaynimo leh uga jawaabay waxaanu yidhi “Horta buugga hadal hayntiisa saxaafadda ayuun baan ka maqlay, dad badan oo arrinta ka cabanayana waan maqlay laakiin, wuxuun bay ku xidhan tahay in haddii wasiirka khalad ka dhacay isaguna isa saxo, dadkuna inta badan aanay hadalka kor u qaadin oo talo odaynimo lagu eego ayuun bay ku qurux badan tahay,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Seed.

Wasiirka warfaafinta ee xukumadda Muuse ayaa waji gabax balaadhan kala kulmay duufaano mucaaradnimo ah beesha uu ka soo jeedo Marxuum Sayid Cabdille Xasan oo uu buugga ku maagay iyo haweenka mid ka mid ah beelaha Somaliland oo gabayo aflagaado ah ku qoray buuggiisa taasna si weyn bulshada Soomaalidu ugu dhalliishay.

Hase ahaatee Madaxweyne Biixi ayaa dhegaha ka furaystay dalabyo badan oo ku saabsana in uu xilka ka qaado lagana qaado tallaabo anshax marin ah.

Halkan ka daawo waraysiga wasiir Seed

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here