Wasiir Sacad Oo La Garnaqsaday Commonwealth

0
953 views
Wasiir Sacad Oo La Garnaqsaday Commonwealth

Wasiir Sacad Oo La Garnaqsaday Commonwealth

Todobaadkan hoggaamiyeyaasha 53 dal ee xubnaha ka ah Waddamada Barwaaqo Sooranka(Commonwealth) ayaa isugu yimid xarunta Ingiriiska ee London. Wakiillada waddamadan oo ka kala yimid qaaradaha Afrika, Eeshiya, Yurub, Ameerika iyo Baasafigga ayaa ka shaqaynayay sidii hore loogu wadi lahaa mustaqbal barwaaqaysan oo ay gaadhaan dalalkan Commonwealth siiba mustaqbalka dhalinyarada.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa qoray qormo garnaqsi ah oo uu ku doodayo sababta Somaliland uga maqan tahay Commonwealths-ka maaddaama ay tahay Maxmiyaddii Ingiriiska dalalkana yihiin kuwii Ingiriisku la tacalluqay xilligii gumaysiga Yurub.

“Inkasta oo Somaliland tahay maxmiyaddii hore ee Ingiriiska oo ay boqortooyada Ingiriiska xorriyaddeeda ka qaadatay 1960, haddana may helin fursaddan waddamada Barwaaqo Sooranku ku falanqaynayeen arrimaha muhiimka ah. Waxa laga jooga in ka badan 27 sannadood markii Somaliland ka noqotay midawgii Soomaaliyada aanu jaarka nahay, iyada oo dib ugu noqotay jagadeeda ah in ay dal madax bannaan tahay iyada oo buuxinaysa wax kasta oo Qarannimo looga baahan yahay. Dalkayagu wuxuu wali sugaya citiraaf Qarannimo,” Sidaas ayuu Dr Sacad ku sheegay qormadiisa.

Waxa uu sheegay in ay nasiib darro tahay ka maqnaanshaha Somaliland ee Waddamada Barwaaqo Sooranka maaddaama ay buuxinayso mabadiida Ururka Commonwealths-ku ku aasaasan yahay. Waxa uu sheegay in Somaliland oo dadkeedu yahay 4 Milyan 70% ka yar yihiin da’da 30 jir. Waxa uu sheegay in Somaliland dhawaanahan meelmarisay sharciyada Kufsiga iyo gudniinka Fircooniga ah oo la xidhiidha dhawriska xuquuqal iisaanka. Sidoo kalena kor loo qaaday ka qayb galka siyaasadda ee dhalinyarada iyada oo maayarro iyo xildhibaanno ay yihiin dhalinyaradu markii 2011 25-35 jir loo ogolaaday tartanka goleyaasha degaanka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in qurbejoogta Somaliland ee dalalka Barwaaqo Sooraanka ku nool sida Ingiriiska, Kanada, Uganda, Maleeshiya iyo meelo kale ay horumar toggan ku kordhinayaan Somaliland. “Muwaadiniinta Somaliland ee ku nool qurbaha iyo carruurtooda labada dhalasho leh waxay ganacsiyo ka furanayaan Somaliland, waxay ka qayb galayaan jaamacadaha, waxay noqonayaan masuuliyiin la doorto, waxay sidoo kale wax ku kordhinayaan dhaqaalaha iyo horumarka bulshada dalalka ay ku nool yihiin, waxaanu isu tixgelina in aanu saamayn togan oo muhiim ah ku leenahay Commonwealths-ka,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad.

Wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland dimuqraadiyadda hirgelisay, islamarkaana dadkeedu marar badan galeen doorashooyin is daba joog ahaa. Wuxuu sheegay in Somaliland dunida kala qayb gasho la dagaallanka Argagixisada iyo amni darrada, islamarkaana ka maqnaanshaha Barwaaqo Sooranku caqabad ku tahay dadaallada Somaliland wuxuuna rajeeyay in gacmo furan lagu soo dhawayn doono Somaliland.

Source:Somaliland: Why we should be at the Commonwealth summit

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.