Wasiir Sacad Oo Ka Hadlay Amni Darrada Somalia

0
106 views
Wasiir Sacad Oo Ka Hadlay Amni Darrada Somalia

Wasiir Sacad Oo Ka Hadlay Amni Darrada Somalia

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in mushkiladda ugu weyn ee haysata Somalia tahay ammaan darro ka dhalatay ciidamada dibadda uga yimid iyo dalalka shisheeya ee maalgaliya amniga Soomaaliya. Waxa uu sheegay in ay u baahan yihiin in ay gacanta ku dhigaan nabadaynta dalkooda.

“Waxa ay Soomaaliya u baahan tahay in ay qabato waxa weeye in ay samayso dib u heshiisiin ay bulshadu ka qayb qaadato, kadibna ay iyagu amnigooda maalgashadaan ama abuurtan, maaha in ay sugaan oo dad kale ka naawilaan in ay ilaaliyaan oo arrimahooda u daryeelan,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad oo la hadlay warbaahinta AP.

21,000 ciidamada Midawga Afrika ah ayaa la qorsheeyay in laga saaro Soomaaliya laakiin, waxa jira warwar weyn oo ah in aanay Somalia la wareegi Karin amnigeeda 2020-ka. Waxa laga cabsi qaba in tobankii sanno ee la soo dhaafay guulihii laga gaadhay amniga Somalia khasaaro haddii ay ka baxaan ciidamada shisheeye.

Danjiraha Midawga Afrika u qaabilsan Somalia ayaa warbaahinta AP(Associated Press) u sheegay in loo baahan yahay qorshe dhakhso ah oo Soomaaliya masuuliyadda amniga loogu wareejiyo 2020. Waxa uu Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka u sheegay in arrintani u baahan tahay dhaqaale dheeraad ah.

Hawlgalka Midawga Afrika  ee Somalia ayaa 1000 Askari laga saaray sanadkii hore halka sanadkan la rajaynayo in kun kale laga saaro sida uu sheegay ambasadoor Francisco Madeira safiirka Midawga Afrika ee Somalia. Waxa uu muujiyay walaaca ku saabsan in aan lahayn dhaqaale ku filan maalgalinta hawlgalka maaddaama Midawga Afrika jaray 20% lacagtii uu siin jiray, sidoo kalena aanay Afrika helayn maalgalin ku filan.

Madaxweyne Farmaajo oo bilawga mudo xileedkiisa wacad ku maray in uu 2 sanno kaga takhalusayo Alshabaab ayaa u muuqda mid wajahaya caqabado badan muddo sanad ku siman oo uu talada hayay lamana filayo in ballankiisu u fulo sidii uu u dhigay.

Why does AMISOM keep losing the same ground in Somalia?

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.