Wasiir Sacad Oo Dawladda Ingiriiska Dhalliilay

0
1,059 views
Somaliland Oo Doonaysa In Suudaan Qayb Ka Noqoto Wada Hadalka Somalia

Wasiir Sacad Oo Dawladda Ingiriiska Dhalliilay

Wargeyska the New Statesman ee dalka Ingiriiska ka soo baxa ayaa warbixin ka qoray qaddiyadda madax bannaanida Somaliland iyo hannaanka citiraaf raadinta. Wargeyska ayaa waraystay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo uu dhawaan kula kulmay magaalada London.

Wargeyska ayaa sheegay in wasiir Sacad ka muraara dilaacsan yahay qorshaha dawladda Ingiriiska ee ku wajahan qaddiyadda Somaliland waxaanu sheegay in ay ahayd in ay wixii sax ah ku dhaqaaqdo, islamarkaana aanay ku go’aan qaadan rayi caamka dunida.

Wargeyska ayaa sheegay in dawladda Ingiriisku Somaliland u muujisay in ay qaddiyadda Somaliland taageersan tahay laakiin, aanay noqonayn dalka u horeeya ee dayrka jabiya iyada oo ka cabsanaysa in la yidhaahdo ‘ waa hannaan gumaysi oo cusub’.

Wasiir Sacad oo arrintaasi sida uu u arko la waydiiyay ayaa yidhi “Mawqifkayagu waxa weeye waa in aanad go’aammadaada ku salayn waxa dadku odhanayaan laakiin, waa in aad ku salayso in aad qabato wixii sax ah kana tagto wixii khaldan.”

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.