Wasiir Qarqaash Oo Mar Kale Ka Hadlay Somaliland

0
1,140 views
Wasiir Qarqaash Oo Mar Kale Ka Hadlay Somaliland

Wasiir Qarqaash Oo Mar Kale Ka Hadlay Somaliland

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa warbixin ka qortay saamaynta dawladda Isu Tagga Imaaraadka Carabtu ku yeelanayso Geeska Afrika iyo Waddanka Yemen kadib markii dhawaan Jaziiradda Socotra oo ku dhaw xeebaha Somaliland ay yimaaddeen ciidamada Imaaraadka oo halkaasi madaar iyo dekedo fadhiisimo ka dhigtay.

Wakaaladda Reuters waxay waraysatay Anwar Maxamed Qarqaash oo ah wasiirru dawlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta waxaanu sheegay in aanay dagaal kula jirin xukumadda fadhigeedu yahay Muqdisho laakiin, aanay jirin wax ka reebaya in ay Somaliland wada shaqayn la yeeshaan.

“Wali way taaggan tahay siyaasaddayada ah aqoonsanaanta Soomaaliya kaliya, Sidoo kale waxaanu awoodna in aanu taageerno dadka Somaliland anaga oo u marayna mashaariic horumarineed iyo gargaar bani’aadanimo,” Sidaas ayuu sheegay Qarqaash oo ku dooday in aanu hammigoodu ahayn kala qaybinta Soomaaliya.

Wakaaladda Reuters ayaa sheegtay in Imaaraadku sii xoojinayo xidhiidhkiisa Somaliland, islamarkaana ciidamada Imaaraadku bilaabeen dhismaha Saldhiggooda Militari ee Berbera. Imaaraadka ayaa boqolaal Milyan oo dollar ku maalgalinaya jid weyn oo isku xidha Berbera iyo Itoobiya iyo sidoo kale madaar cusub sida lagu sheegay warbixinta Reuters.

Source:UAE Extends Military Reach in Yemen and Somalia

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.