Wasiir Qabyotire Oo Ka Jawaabay Warar Ku Saabsan In Shirkadda Dp World Lacag Olole Siisay Kulmiye Iyo Cabashada WFP

0
34 views

Hargeysa(Sayruuq) Xukumadda Somaliland ayaa sheegtay in laga wada hadlay cabashada ay soo jeedisay hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP, islamarkaana xal laga gaadhay. Wasiirka qorshaynta Maxamed Ibraahin Aadan (Qabyotire) ayaa sheegay in la dhammeeyay cabashada hay’adda islamarkaana la gaadhsiiyay madaxda sare ee shirkadda DP World.

Hay’adda WFP ayaa dhammaadkii bishii hore warqad cabasho ah gaadhsiisay wasiirka qorshaynta waxaanay sheegtay in maraakiibta kirada ah ee sida mucaawimada la gaadhsiinayo dadka ku tabaalaysan dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Yemen iyo Somaliland ku raagto dekedda, islamarkaana ay dekeddaha deriska ah ula wareegi doonan hawlahooda siiba markaabta kirada ku ah ee aan qaadi Karin in ay muddo taagnaadaan.

Wasiir Qabyotire oo shalay waraysi siiyay wariye Xasan Galaydh oo ka tirsan telefishanka Horn Cable waxa uu sheegay in markii cabashadaasi soo gaadhay ay ka hawlgaleen “Warqaddaasi cabasho ayay ahayd, arrintaas waanu xallinay, xafiiskayga ayaanu isugu nimid madaxda WFP ee Somaliland si fiican baanu isula jaan qaadnay oo si fiican baanu arrintaas u dhammaynay,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Qabyotire.

Wasiirku waxa  uu sheegay in madaxda DP World ay isla garteen in roggista rarka mucaawimada ah mudnaanta la siiyo “Muddo 10 cisho ah ayaanu ku maqnayn Imaaraadka si fiican baanu arrintaas uga wada hadalnay, waxaanu isla qaadanay DP World madaxdeedii sare ee Dubay joogtay in mudnaanta koobaad la siiyo wax allaale wixii gargaar bani’aadanimo ah. Waxaanu u kala samaynay mudnaanta koobaad iyo mudnaanta labaad; wixii Koontiindharro ah mudnaanta labaad ayaanu siinay, mudnaanta koobaadna waxaanu siinay hay’adda WFP,” Sidaas ayuu yidhi wasiirku.

Musharraxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirro door ah oo ka tirsan xukumadda ayaa dhawaan tagay waddanka Imaaraadka Carabta. Inkasta oo aan warbaahinta loo sheegin ujeedada socdaalkooda waxa soo baxay warar ku saabsan in shirkadda DP World siisay lacag xisbiga Kulmiye ololaha ku galo waxaana arrintaas la waydiiyay wasiir Qabyotire oo ka mid ahaa weftiga waxaanu ku jawaabay “Arrinta ah DP World lacag bay bixisay olole lagu galayo waxba kama jiraan, arrintaasi waa mid aan sal iyo raad toona lahayn xaqiiqdii, waan wayso qabna oo si daacad ah ayaan u hadlayna,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Qabyotire.

Hargeysa-Somaliland

Sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.