Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Gaadhay Shirka Beesha Biciide Iyo Khudbad Indhaha Lagu Hayo Oo Uu Jeedin Doono

0
7 views

Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa Sabtidii maanta gaadhay shirka beesha Biciide(Habarjeclo) uga socda degmada Dagaar, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Dad ku qaylinaya “Guusha yaa leh? Kulmiye leh,” ayaa wasiirka ku soo dhaweeyay goobta shirka, sidoo kalena madaxda dhaqanka ayaa soo dhawaysay.

Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa fadhigii golaha beesha ee Sabtida oo uu joogay aan wax hadal ah ka jeedin, waxaana soo dhawaynta loo sameeyay ku hadlay wasiirka dib u dejinta Cali Siciid Raygal oo la socday. Wasiir Xaashi ayaa la filaya in uu maalinimada Axadda oo la soo xidhayo shirka uu ka jeediyo khudbad siyaasi ah maaddaama uu jiro tuhun ku saabsan hankiisa musharraxnimada Kulmiye Muuse Biixi Cabdi kadib. Khudbaddiisa indhaha lagu hayo ayaa laga yaaba in ay iftiimiso mustaqbalkiisa siyaasiga ah, islamarkaana uu bulshadiisa u diro farriin siyaasadeed.

Horraantii bishii Ogos ayuu Maxamuud Xaashi madal si siyaasi ah loogu kaftamay waxa uu farriin dad ban u diray musharrax Muuse Biixi oo uu hogotusaaleeyay in uu Madaxweyne Siilaanyo kaga daydo u bannaynta darka ragga hanka leh ee daba taaggan “Madaxweyne Siilaanyo hal muddo xileed buu qaatay wixii duruufo loogu kordhiyay mooyaane teeramkii labaadna wuu ka hadhay kuyuugiina wuu soo gaabiyay kuyuuguna wuu dheer yahay, kuyuuguna wuu dheer yahay Muuse, Faysal iyo Cabdiraxmaan mid walba rag badan baa daba jooga, Marka Kuuyugana wuu soo gaabiyay (Madaxweyne Siilaanyo) taasina waa xeer baan leeyahay,” Sidaas ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Muddooyin hore ayay soo baxeen faallooyin iyo xogo ku saabsan in Maxamuud Xaashi doonayo in Muuse Biixi ku wareejiyo kursiga guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ka hor doorashada si uu musharraxa Madaxweyne ee Muuse xiga u noqdo hase ahaatee ilaa hadda oo doorashada wakhti yar ka hadhay arrintaasi ma dhicin. Dadka siyaasadda ka faallooda ayaa bixinaya ishaaro ah in aanu Maxamuud Xaashi la dhacsanayn Kulmiye, islamarkaana aanu kalsooni ku qabin in uu kursigaasi hanan doono doorashada ka dib. Wararka qaar ayaa la xidhiidhinaya xisbiga UCID oo dhawaan la siiyay kursiga guddoomiyaha siyaasi ka soo jeeda Bariga Burco.

Faallada Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here