Wasiir Maxamud Xaashi Oo Ku Margaday Su’aal Laga Waydiiyay Saamaynta Amni Ee Saldhiga, “Dee, Cafaariid Dusha Ka Soo Daadanaysa Maaha Xuutiyiintu Waanan Iska Celin Doonaa”

0
23 views

Hargaysa(Sayruuq) Madaxtooyadda Somaliland ayaa markii u horaysay Wax laga waydiiyay Saamaynta Amni ee uu Geeska Afrika iyo Qaarka Mid ah Dalalka jaarka uu ku keeni karo Saldhiga Milatari ee Dalka Imaaraatka Carabta laga siiyay Dekeda Berbera,Waxa sidoo kale Wax laga waydiiyay sida ay Somaliland uga qancisay Dalka Itoobiya oo Il gaar ah ku eegaysa Saldhigan,Dhawr jeerna laga soo wariyay in Itoobiya u aragto Khatar si gaar ah u taabanaysa Amnigooda.

IMG_8589

Dood shalay ay qabatay idaacadda BBC-du oo lagu qaadaa dhigay Saldhigan ayaa waxa lagu soo macsuumay oo ka hadlay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamud Xaashi Cabdi,Waxaana la waydiiyay oo aanu ka soo qaadanay laba su’aalood oo aad cuslaa oo uu waydiiyay Wariyihii Doodaasi Daadihinayay Cabdi Nuur,Wariye Cabdi Nuur ayaa waxa uu Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Waydiiyay Sida ay Somaliland ugala hadashay Dalka Itoobiya Saldhiga Imaaraatka Carabta iyo sida ay uga qanciyeen Inaanu saamayn amni kulahahayn,waxaanu Wasiirku ku jawaabay sidan “Dawlada Itoobiya Dhawr jeer ayaanu arimahan iska aragnay,Waan kawada soconaa,Waan ku dareen galinay, Dawladda Imaaraatkuna waa dawlad xidhiidh ka dhexeeyo oo ay saaxiib yihiin ,Dawlad kale oo Saldhigan Isticmaalaysaana majirto,Yamen waa wadan wayn,Qaybta Cadan ayaanu daris nahay,waa qaybta ay degan tahay Dawladda Sharciga ahi, Anagu Dawladaasi ayaanu Xukuumad ahaan aqoonsanahay,Ma Aqoonsanin Maamulka Xuutiyiinta,553-Km ayay SANCI u jirtaa Berbera,Rag Kala Itaal wayna maba nihin,markaa Cabsi iyo Wal wal ma aragno Dadkayaga soo food saaraya,Baqahaasi iyo Wal Walkaasi la muujinayana Ma qabno,Saldhigan Garoon diyaarsan oo maanta la isticmaalayo maaha,Wakhtiga la dhisayo Dekedaasi iyo Garoonkaasi Wakhti dheer ayay qaadanayaan,oo waayaha yameneed iyo Duruufahoodu wax iska badelaan,”.

Mar uu waydiiyay Wariye Cabdi Nuur Su’aal u dhignayd sidan “Xuutiyiinta Wixii idinka soo gaadhay waad ubabac dhigi kartaa ayay ila tahay,Waayo Cali Cabdale Saalax iyo Xuutiyiintu Waa dhinac,Hubkii Dawlada oo dhan ayay haystaan,Sacuudiga ayay duqeeyaan,Magaalooyin Waa weyn oo Sucuudiga kuyaala ayay duqeeyeen ee ma Waxay u daahayaan inay Berbera Duqeeyaan? Ayaa waxa uu ku jawaabay Maxamuud Xaashi sidan“Cabdinuuraw EEH,Wal walkaasi ma qabno,Marka aanu isbarbar dhigno Faa’iidada aanu saldhigan ka helayno Iyo Khatarta, Kun jeer Faa’iidada ayaa badan,Dee,Cafaariid Dusha ka soo daadanaya Xuutiyiintu Maaha,Maqabno anagu saskaasi,waanu isku kalsoon nahay,Hadiiba ay dhacdo in nala soo doontana,Dee Waxbaan iska caabinaynaa,anaga iyo cidda aanu heshiiska Amni kujirnaaba” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Xaashi.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.