Wasiir Madaxweynaha U Sheegay In Aanay Shaqadooda Ka Adkayn

0
90 views
Wasiir Amray Inaan Saxaafadda La Siin War Aanu Ogayn

Wasiir Madaxweynaha U Sheegay In Aanay Shaqadooda Ka Adkayn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qayb galay munaasibad ay lahayd wasaaradda caafimaadka. Wasiirka caafimaadka ayaa u sheegay madaxweynaha in aanay ka adkayn shaqadooda oo ay jirto dhibaato dhexdooda ah laakiin, tafaasiil kama bixin waxyaabaha ay yihiin dhibaatooyinkaasi.

Wasiirku waxa uu ku dooday in ay u muuqato in mihnadda caafimaadku sii xumaanayso “waxaan madaxweyne kuu sheegaya in aanu dhibaatooyin dhexdayada ah leenahay, in aanan shaqadayada aad uga adkayn, inaanan wakhtiga aad u ilaalin, inaanu marka aanu doono iska dhego tirno waxyaabo muhiim ah, in aad mooddo in ay mihnaddii caafimaadku sii yara dabar go’ayso xaggii qiyamkii iyo qiimihii ay lahayd, taasna waxaanu isku dayayna in aanu dhexda u xidhanno, in aanu isku duubnaano, wixii diciifnimo aanu lahayn aanu dhinac iska dhigno,” Sidaas ayuu yidhi wasiirka oo ka hadlayay madal madaxda wasaaradda iyo shaqaalaheedu joogaan.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay dareensan yihiin dhibaatooyinka caafimaad ee ka jira meelo badan oo dalka ah, islamarkaana ay isku dayayaan in ay wax ka qabtaan si loo gaadho yoolka xukumadda iyo xisbiga Kulmiye ka leeyihiin in wax laga qabto caafimaad darrada lana horumariyo caafimaadka Waddanka.

Hadalka wasiirka ayaa imanaya iyada oo dhawaan wasaaradda caafimaadku albaabada ka xidhatay shaqaale la sheegay in ay ka habsaameen saacaddii shaqada, islamarkaana ay socdeen wakhti ka dambeeya 07:30AM. Agaasimaha wasaaradda ayaa arrintaasi ku sababeeyay in ay habacsanaantii xukumaddii hore meesha ka saarayaan kuna adkaynayaan shaqaaluhu in ay saacadda dhawraan. Weedhahan madaxda wasaaradda ayaa u muuqda kuwo muujinaya in aanay madaxda iyo shaqaalaheedu isla jaanqaadin.

 

Masuul Ka Hadlay Shaqaale Albaabka Laga Xidhay

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.