Wasiir Koore Oo Eedeeyay Siyaasiyiin Beeshiisa Ah

0
346 views
Wasiir Koore Oo Eedeeyay Siyaasiyiin Beeshiisa Ah

Wasiir Koore Oo Eedeeyay Siyaasiyiin Beeshiisa Ah

Saleebaan Cali Koore wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland ayaa si adag u difaacday kursigiisa kadib markii siyaasiyiin beeshiisa ah dhalliilo culus u jeediyeen xukumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Siyaasiyiinta Baashe Cali Jaamac oo Waddani ka tirsan iyo Cali Sandulle oo Kulmiye ahaa xilalna ka soo qabtay xukumaddii Siilaanyo ayaa dhalliilay shaqada madaxweyne Biixi siiba dagaalka Tukaraq. Wasiir Koore oo si kulul uga jawaabayay waxa uu ugu manno sheegtay in aanu dhalliili jirin ee uu barbar taagna markii ay kuraasta wasiirnimo ku fadhiyeen.

Waxa uu sheegay in ay xukumadda masuul uga yihiin bulshada gobollada Bariga sida Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, islamarkaana aanay waxaan wanaag ahayn u wadin dadka degaanka isaga oo soo qaaday in xilliyadii ay wasiirrada ahaayeen uu kala shaqeeyay fidinta ciidamada Somaliland ee gobollada Bari waxaanu eedahooda ku saleeyay kuwo ay wasiirnimo ku raadinayaan.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here