Wasiir Kaahin Oo Ka Horyimid Magacaabid Madaxweyne Biixi Sameeyay

0
1,062 views
Wasiir Kaahin Oo Ka Horyimid Magacaabid Madaxweyne Biixi Sameeyay

Wasiir Kaahin Oo Ka Horyimid Magacaabid Madaxweyne Biixi Sameeyay

Somaliland wasiirka arrimaha gudaha ayaa xilka u kala badalay laba agaasime oo Madaxwayne Muuse u magacaabay wasaaraddiisa.

Madaxweynuhu waxaa uu Mukhtaar Maxamed u magacaabay agaasimaha Guud ee maamulka gobolada iyo degmooyinka halka uu hadda ka yahay agaasimaha guud ee Amniga.

Sidoo kale madaxweynuhu waxaa uu Prof Cabdi Nuur u magacaabay agaasimaha Amniga halka uu maanta la wareegay xilka agaasimaha maamulka Gobolada iyo degmooyinka.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa ka horyimid magacaabista madaxweynaha isagoo xil wareejintan u baajiyay sidii uu xilkaasi ugu kala badali lahaa masuuliyiintan taas oo ugu dambeyn shalay ay kula kala wareegeen xilalka sidii wasiir Kaahin u dhigay halka laga guuray habkii madaxweynuhu u soo magacaabay.

Madaxweynuhu masoo saarin wareegto 2aad oo xilkaasi uu ugu kala badalayo labada masuul oo uu ku sheegay inuu khaldamay. Lama oga sababta wasiirka daakhiligu u jeclaystay kala wareejinta xilka hase ahaatee madaxweyne Biixi iyo wasiir Kaahin ayaa ah saaxiibo wakhti badan soo wada qaatay.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.