Wasiir Kaahin Oo Buunbuuniyay Khilaafka Waddani

0
775 views
Wasiir Kaahin Oo Buunbuuniyay Khilaafka Waddani

Wasiir Kaahin Oo Buunbuuniyay Khilaafka Waddani

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed ahna guddoomiye xigeenka 1-aad ee xisbiga Kulmiye ayaa muddo ku qaatay hadal ku saabsan in xisbiga Waddani uu ka dhex qarxay khilaaf. Wasiir xigeenka ayaa ku doodaya in xisbiga laga jiro burbur, islamarkaana lagu mitido.

Hadalkiisan ayaa u muuqda in uu jawaab u yahay dib u habayn laga dareemayo xisbiga Waddani. Xoghayaha guud ee xisbiga Mr Uurcadde ayaa shalay saxaafadda u sheegay in uu wareejinayo xilkaas oo laga dalbaday in uu banneeyo waxaanu Dr Cirro ku boorriyay in uu wareejiyo guddoomiyaha xisbiga ooh ore loogu saxeexay Cabdiqaadir Jirde.

Arrintan oo aan u muuqan mid saamayn leh ayuu si weyn ugu nuuxnuuxsaday wasiir Kaahin oo hadalkiisu u badna in aanu xisbigu marin dhabbihii UDUB “Maalmahan xogaa khilaaf ah oo aad saxaafadda ka maqlayseen baa ka jira xisbiga Waddani. Walaalaheen Waddani waxaanu leenahay xisbigu waa hanti Qaran, madaxdii ku soo tacabtayna waad tihiin ee ha la ilaaliyo xisbiga midnimadiisa,” Sidaas ayuu wasiir Kaahin ka sheegay munaasibad Kulmiye qabsaday.

“Haddii aynu Kulmiye nahay arrinka wax wanaag ah oo mooye wax kale ku darsan mayno, waynu barbar taagnanayna, wixii ay taageero inooga baahdana waynu la barbar taaggan nahay oo xisbi guun ah oo soo jiray oo khilaafaadyo maray baanu nahay, idinku wiirsan mayno idinkuna qosli mayno dacaayadna ka dhigi mayno laakiin, waxaanu leenahay xisbiga ha lagu mitido xisbi kale oo muddo kar ah oo dalka ugu horeeyay ee UDUB ah ayaa inaga burburay diyaarna uma nihin in xisbigana inaga burburo,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Kaahin.

Maalmihii u dambeeyay waxa la hadal hayay qabanqaabada kursiga guddoomiyaha Kulmiye oo uu raadinayo Maxamuud Xaashi Cabdi wasiirkii hore ee madaxtooyada kaas oo la filayo in uu khilaaf ka dhex abuuro Kulmiye laakiin, wasiirka ayaa u muuqda in uu khilaafaadka Kulmiye laga rajayno far kaga gabanayo, islamarkaana indhaha dadka ku jeedinayo Waddani.

Halkan ka daawo muuqaalka wasiir Maxamed Kaahin

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.