Wasiir Ka Hadlay Nidaam Xumo Ka Dhex Jirta Shaqaalaha Dawladda

0
290 views
Wasiir Ka Hadlay Nidaam Xumo Ka Dhex Jirta Shaqaalaha Dawladda

Wasiir Ka Hadlay Nidaam Xumo Ka Dhex Jirta Shaqaalaha Dawladda
Hargeysa(Sayruuq) Wasiirka wasaaradda Ganacsiga Somaliland mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa sheegay in aanay shaqaalaha dawladdu lahayn nidaam shaqo oo kala qeexan, islamarkaana uu jiro is dhex yaac dhanka shaqada ah. Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo waaxyo iyo qaybo shaqo oo kala qeexan.
Wasiir Saajin oo ka hadlayay kulan lagaga doodayay wax ka bedelka xeerka shaqaalaha ayaa sheegay in aanay fiicnayn in shaqaalaha lagu qoro iyada oo aan loo eegin baahida shaqo “Wasaaradaha dawladda mid baan kula talin lahaa, waxa la odhanaya shaqaala la qaadanaya, horta awooddii (capacity) wasaaraddu qaadaysay ma yahay? Sidee loo soo qoray? Dee haddii mid wasiir ahi yimaaddo oo reerkii soo raro dee waa dulmi, marka waxa weeye wasaaraddu intee bay qaadi karta? Waa in horta la eega,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Saajin.
Wasiirka ganacsigu waxa kale oo uu sheegay in ka sakow shaqaalaha badan aanay kala lahayn nidaam shaqo oo u kala dejisan “Waxaad arkaysa wasiir iyo agaasime waaxeed, inta kaleba waa wax is wada dhex daadsan, madax qaybeed ma leh, wax kale oo qaybaha ma kala laha. Shaqadii haddii agaasime waaxeedku 100 xukumo sidee bay u kala shaqayn? Waar bal ka fikira si dadkana dhiiri gelin loogu sameeyo shaqaduna u kala socoto lakabyadii shaqadu caalamkaba lahaan jirtay ha la abuuro,” Sidaas ayuu yidhi wasiirka ganacsigu.
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.