Wasiir Hore Oo Darawalnimo Ku Shaqaysta

0
468 views
Wasiir Hore Oo Darawalnimo Ku Shaqaysta

Wasiir Hore Oo Darawalnimo Ku Shaqaysta

Hargeysa(Sayruuq) Mid ka mid ah wasiirradii xukumaddii Siilaanyo ayaa hadda ku shaqaysta darawalnimo waxaanu wada gaadhi uu leeyahay oo u shaqaynayay xafiiska Imtixaanaadka Qaranka ee Somaliland.

Cali Cilmi Geelle oo ahaa wasiirkii boosaha iyo isgaadhsiinta intii dambena ka mid ahaa xisbiyada siyaasadda waxa uu sheegay in muddadii uu shaqaynayay ku koobna mushaharkiisa oo aanu Qaranka boobin haddana aanu haysan hanti uu kaga maarmo shaqada sidaas awgeedna uu shaqaysanayo.

Waxa uu sheegay in dadka qaarkii la yaaban in isaga oo wasiir soo noqday uu darawal yahay laakiin, wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in qofku shaqaysto sharaftuna sidaas ku jirto.

Wasiir Hore Oo Shaqadiisii Macallinimo Ku Noqday

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.