Wasiir Hinda Oo Ganafka Ku Dhufatay Hadalkii Dr Sacad

0
325 views
Wasiir Hinda Oo Ganafka Ku Dhufatay Hadalkii Dr Sacad

Wasiir Hinda Oo Ganafka Ku Dhufatay Hadalkii Dr Sacad

Muddooyinkii u dambeeyay waxa dalka Qadar ku sii qulqulayay dhalinyaro reer Somaliland ah oo dawladda Qadar u qoranayso ciidamo aan faahfaahin laga bixin waxa ay qabanayaan. Wasaaraddaha arrimaha dibadda iyo shaqo gelinta ayaa labaduba sheegay in aanay xog ka hayn arrintan, islamarkaana isku tuur-tuuray cidda leh masuuliyaddaasi.

“Arrintaasi way I soo gaadhay waliba Somaliland oo qudha maaha ee Soomaaliyana sidoo kale dad bay ka qoranayaan baa la yidhi, arrinkaasi waan maqlay ma hubo in uu yahay wax rasmi ah oo dawlad ahaana laakiin, arrinkaas waxaan filaya waxa iiga sii xogogaalsan wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad oo shalay saxaafadda la hadlay.

 

Hase ahaatee waxa arrintaasi ganafka ku dhufatay wasiir Hinda Jaamac Gaani wasiirka shaqo galinta oo sheegtay in ay arrintani la xidhiidho arrimaha dibadda sidaasna aanay u ogayn hawshan “ Marka koowaad wuxu haddii ay yihiin wax dibad la xidhiidha waxaan qaba cidda ka hadalkeeda leh waa arrimaha dibadda iyada ayaa masuuliyadda leh, haddii wuxu waddanka soo galayana waxaa masuuliyadda leh arrimaha gudaha,  waddanka gudihiisa marka ay qofka shaqo la’aani kaga dhacdana wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshada ayaa xaq u leh in ay ka hadasho. Haddii aan tayda uun ka raaco dadkani dalka ayay dibadda uga baxayaan waxay ku baxayaan waa fiise, fiise dibad buu inagaga yimaadda; cidda xaq u leh fiisahani muxuu ku salaysan yahay? yaa soo diray? Sababtee loo dalbaday? Dadku miyay shaqo waayeen? Miyay shaqo haystaan? Dee cidiba may waydiin baan qabaa. Aniga oo aan dhaleecaynayn waxaan qaba waxay ahayd door ay leedahay wasaaradda arrimaha dibaddu, wasaaraddayadu wax door ah oo ay ku leedahay ma jiro, anagu fiiseyaashana isma aragno mana bixinno,” Sidaas ayay tidhi wasiir Hinda.

Dhalinyarada muddooyinkii u dambeeyay dawladda Qadar ka qoranaysay Somaliland oo basaboorrada ka soo qaadanayay Garoowe ayay warbaahintu dhawr jeer wax ka qortay laakiin, waxa la yaab ah sida aanay dawladda Somaliland arrintaasi u ogayn iyada oo ay jirtay in ay Qadar xidhiidhka u jartay. Arrintan ayaa shaki gelin karta in dawladdo kalena waxay doonan ka fushan karaan haddii madaxda dawladdu sidan uga hadlaan arrin muddo dheer soo jiitamaysay, islamarkaana sheegaan in aanay war u hayn ujeedada Qadar ka leedahay muwaadiniintan reer Somaliland ee ay qaadanayso.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here