Wasiir Guri-Barwaaqo Waxaa la soo Gaadhay Xiligii aad is Casili lahayd!

0
924 views
Xukumadda Oo U Yeedhay 4 Telefishan

Wasiir Guri-Barwaaqo Waxaa la soo Gaadhay Xiligii aad is Casili lahayd!

Run ahaan waxaa Wakhtigiisu uu yimi oo la soo gaadhay Xiligii uu si Sharaf leh isu Casili lahaa Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Mudane Guri-barwaaqo oo lumiyay Fursado Fiican oo uu haystay oo Khaladkii uu Ummada ka galay ku sixi lahaa, waxa uu lumiyay fursado uu fadeexadan daba-guurysa ku soo afjari lahaa, oo uu odhan lahaa Makhaldame Waa Ilaahe ha la iga raali ahaado, buugana daabacad labaad ayaan ku saxaa, intaas ayuun baa looga baahnaa laakiin imika fursadaasi way luntay!

Xaalka uu Wasiirku imika ku sugan yahay iyo sida uu u dhaqmay markii ay fadeexadiisu soo baxday Waxa ay Xukuumada iyo Qarankaba ku noqotay Foolxumo aad u weyn oo mashriq ilaa maqrib gaadhay, mana jirto waddo kale oo imika u furan inuu is casilo mooyaane, waxa uu xaalku marayaa xawlal-mariidka.

Wasiirka oo ah Afhayeenkii guud ee Qaranka, waxa uu lumiyay karaamadii uu Xilka loo igmaday lahaa, Qaran uu u hadlo ama difaaco ha joogtee isagii ayaa marxalad i qariyaay ah ku jira, madal uu soo fadhiisan karo, iyo magaalo uu booqan karo iyo cid uu wax u sheegi karo midna ma jirto.

Marka uu Xaalku sidaas yahay Waxaan Wasiirka usoo jeedin lahaa inuu Culayska ka dulqaado Madaxweynaha iyo Xukuumada, oo uu yiqiinsado in aanuu sii hayn karin Xilka Qaran, isla markaasna uu Sharafta Madaxweynaha iyo Sharafta Xukuumada u tudho oo uu is casilo.

Igaba dhan

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.