Wasiir Guri Barwaaqo Oo Baarlamaanku Waydiiyay Aflagaadada Buuggiisa

0
1,977 views
Xukumadda Oo U Yeedhay 4 Telefishan

Wasiir Guri Barwaaqo Oo Baarlamaanku Waydiiyay Aflagaadada Buuggiisa

Guddida joogtada ah ee golaha wakiillada baarlamaanka somaliland ayaa waxay maanta u yeedheen Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo iyo Macallin Maxamed Beddel. Waxa su’aalo dheeraad ah laga waydiiyay muran saamayn yeeshay oo dhexmaray labadan Shakhsi.

Wasiirka iyo Macallinka ayaa la waydiiyay su’aalo la xidhiidha arrinta ku saabsan buug uu qoray wasiir Guri-barwaaqo kaasi oo gabayo ku qoran ay ka cadhoodeen qaar kamid ah haweenka Somaliland.

Macallin Maxamed Baddel ayaa saxaafadda u sheegay in uu xildhibaanada wakiillada uu faahfaahin dheeraada ka siiyay waxa ku qoran buuggan.

Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka tirsan wakiillada ayaa madaxweyne Biixi u soo jeediyay in uu tallaabo ka qaado wasiir Guri Barwaaqo “Sowtii La Lahaa horaa loo soconayaa sowtan dib loo socdayeEe hablihii Wasiirradaadii cayeen Madaxweyne waa in aad wax ka qabataa wasiirka warfaafinta si dhakhso ahna tallaabo uga qaada,” Sidaas ayuu yidhi mudane Nacnac

Buugga Sooyaal ayuu wasiir Guri Barwaaqo ku maagay Sayid Maxamed Cabdille Xasan laakiin, sadarro gabay ah oo ku jira ayaa aflagaado ku noqday haweenka beel reer Somaliland ah waxaana loo arkay in xilligan casriga ah erayo noocaas ah la qoro tahay mid ujeedo laga leeyahay.

Wasiir Guri Barwaaqo oo dhaleecayn balaadhan kala kulmay arrintan ayaa dhawaan raalli gelin bixiyay isaga oo uu weheliyo suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir hase ahaatee ma noqon raalli gelintaasi mid la aqbali karo waxaana sii socday dhalliisha loo jeediyay.

Macallin Maxamed Bedel oo hore xurguf shakhsi ah u dhexmartay Guri Barwaaqo ayaa soo bandhigay weedhaha xanafta leh ee ku qoran buugga taas oo arrin weyn noqotay. Hore waxay dad badan uga cadhaysan yihiin dhalliisha uu huwiyay Sayid Maxamed Cabdille Xasan.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.