Wasiir GARAS Oo U Caqli Celiyey Kaadiriin WADDANI Ah Oo Ku Abtirsada Beesha Murrashaxa KULMIYE Oo Meel-kaga-dhacay Milgihii Xisbiga Ay Metellayeen

0
80 views

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Macdanta Iyo Tamartu Waxaa Uu Weedhaha Ash-khaastan Ku Tilmaamay Shaambad Aan Go’ayn Oo Ku Dhacday Aragtidii Uu Xisbiga WADDANI Ka Iibin Lahaa Bulshada

“Kolley Arrintii Ka Soo Yeedhay Siyaasiyiinta WADDANI Ee La Beesha Ah Murrashaxa Xisbiga Talada Haya Ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Runtii Wax Aad Iyo Aad Iiga Yaabiyey Bay Ahayd”

“Marka Aad Dhadhamiso Hadallada kasoo yeedhay Siyaasiyiinta WADDANI Ee La Beesha Ah Musharraxa KULMIYE, Waxay Tusaale u noqonaysaa in raggaasi markay wax kale oo dhaliil ah U Waayeen Muuse Biixi ay Yidhaahdaan Ninkani Ilmaadeeradii Ma Wato”

“Mar haddii ay raggaasi metelayaan WADANI oo xisbi mucaarid ah waxaa looga baahan yahay inay la yimaadaan barnaamij Siyaasadeed hufan laakiin waaa nasiib darro in raggaas oo uu kamid ahaa saaxiibkay ay hadallada noocaas ah La Shir yimaadaan”

Hargeysa (Sayruuq)- Wasiiru-dawlaha wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland Md. Yuusuf Cismaan Garas ayaa si adag uga jawaabay hadallo laaqi ah oo siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga WADDANI ka soo yeedhay kuwaasi oo isu wakiishay arrin aan iyaga wax laga weydiinayn oo ku saabsan musharraxnimada guddoomiyaha xisbiga KULMIYE. Xubnahan uu wasiirku ka jawaabayo hadalkooda ayaa mar ay toddobaadkan warbaahinta la hadleen waxaa ay qaab beellaysan oo dhegxumo ku ah nidaamka xisbiyada badan ee Somaliland ka hirgalay u qabyaalladeeyeen musharraxnimada Muuse Biixi Cabdi oo ay ku doodeen in beeshoodu katanaasushay xilkaas, iyaga oo u nisbeeyey in Muuse Biixi aanay la soconin siyaasiyiintii beeshiisu. “Kolley arrintii ka soo yeedhay siyaasiyiinta WADDANI ee la beesha ah murrashaxa xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, runtii wax aad iyo aad iiga yaabiyey bay ahayd”. Sidaas ayuu yidhi wasiir Yuusuf Cismaan Garas oo shalay xafiiskiisa ugu warramay weriye Bedri Koosaar Maxamuud Oo ka tirsan telefishanka ERYAL. Wasiir Garas waxaa uu sii faahfaahiyey hadalkiisa waxaanu su’aal geliyey ujeedadaka dembeysa siyaasiyiintaasi WADDANI hadalladooda, kuwaas oo ceebku ah nidaamka dimuqraadiyadeed ee aynu ku dhaqanno “Innagu saddex murrashax baynu leennahay oo saddexda xisbi qaran kasoo kala jeeda, laakiin sida aan anigu ku ogaaa nidaamka xisbiyada innagu ma lihin murrashaxiin reero ah oo la leeyahay innaga oo reer Hebel ah baa murrashax ah iyo innaga oo reer hebel ah waxaanuka tanaasulnay musharraxnimadii aanu rabnay, taasi waxay gef ku tahay dhabihii xisbinnimo ee aynu jeexannay, waayo musharraxiintu kuma sallaysnayn reerka ay ka soo jeedaan, taasina siyaasiyan waxay noqonaysaa mid dhaawac weyn ku ah sumcaddii Somaliland iyo geedi socodkii dimuqraadiyada, weliba nimanka hadalladaasi yidhi rag aqoon yahanno ah oo wax la bidayay bay ahaayeen oo rejadooda mustaqbalka ee siyaasaddeed loo han weynaa. Hadalladaaasi marka la dhadhamiyo waxa keliya ay tusaale u noqonaysaa in markii ay raggaasi waayeen wax kale oo Iimo ah oo murrashax Muuse lagu cambaareeyo inay lanoqoto inay yidhaahdaan ninkani [Muuse Biixi] Ilmaadeerradii ma wato, waxayse hilmaansan yihiin inay dimuqraadiyaddu ay meesha ka saarayso inuu musharraxu ilmaadeeradii aanu wada wadankarin oo ay qaar kasoo horjeedaan qaarna taageersan yihiin, Laakiin Muuse Waxaa uumusharrax u yahay xisbiga KULMIYE, xisbiga KULMIYENa waxaa ku dhan dhammaan dadka Somaliland wada dega, xisbiyada kalena waxaa u sharraxani waa rag nala tartamaya annaga, garoon baana la isla tegi doonaa nin iyo nasiibkii iyo kartidiisa lagu kala bixi doono ”. Ayuu yidhi Wasiiru dawlaha wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland Md. Yuusuf Garas.

Dhinaca kale waxaa uu farriin talo ah u soo jeediyey xisbiga WADDANI iyo siyaasiyiintiisa ay hadallada cunfiga ahi kasoo yeedheen “Mar haddii ay raggaasi metelayaan Xisbiga WADANI oo xisbi mucaarid ah waxaa looga baahan yahay inay la yimaadaan barnaamij siyaasadeed oo hufan ooay dadka ka iibiyaan laakiin inay ku doodaan hebel maalintiiisii maaha taasi waa gef oo Illaahay baa og qofka maalinta uu xilka u dhiibayo. Waana nasiib darro in raggaas oo uu kamid ahaa saaxiibkay Cali oo wax qoraa in uu yidhaahdo hadallada noocaas ah, waayo Muuse waa nin waayo aragnimo badan leh hoggaamin siyaasi ahna leh”. Ayuu yidhi WAsiir Garas. Gebogabadii mar wasiiru dawlaha wax laga weydiiyey abaarta ay daarran tahay jawaabtiisani iyo fasirraada laga dhadhan san karo ka sheekaynta sooyaalka Murrashaxa KULMIYE waxaa uu kaga jawaabay “ runtii waa su’aal aad u muhiima oo wanaagsan waayo waa mid uu caqliga bani aadamku is weydiin karo, aniguna nin dhalinyar ah baan ahay,qof kastaana wuu jecel yahay in la magacaabo oo uu nolosha heer kagaadho, laakiin shakhsiyan anigu waxan aaminsanahay in shaqooyinkaygii hore ee aan haystay [xilka aan hayo ka hor] ayaa iiga manfac badnaa oo ay iiga dhib iyo mashaakil yaraa siyaasadda inta aanku jiray. Calaa ku xaal waxaan is leeyahay haddii Muuse uu ku guulaysto tartanka idamka illaahay wuu ku guulaysane haddii uu igu soo darayo iyo haddii kaleba shay baa arrintaas ka horreeya, kaasoo ah horta waxaas qoraal rabbaani ah ma u leedahay”. Ayuu yidhi Wasiiru dawlaha wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland Md. Yuusuf Cismaan GAras.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.