Wasiir Cawad Oo Sheegay In Aanay Somalia Saxeexin Heshiiska Berbera

0
776 views
Wasiir Cawad Oo Sheegay In Aanay Somalia Saxeexin Heshiiska Berbera

Wasiir Cawad Oo Sheegay In Aanay Somalia Saxeexin Heshiiska Berbera

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo wareysi gaar ah siiyay telefishanka HCTV ayaa sheegay in aanu jirin wax heshiis ah oo Xukuumadda Soomaaliya ee hadda iyo kuwii ka horreeyayba ay la galeen Imaraadka Carabta kaas oo ku saabsan Dekedda Berbera.

Cawad ayaa intaasi sii raaciyay in khilaafka hadda u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaraadka Carabta uu ka bilaamay heshiiska Imaraadku la galay Somaliland.

Hadalkan ayaa imanaya maalmo ka dib markii wasiirru-dawlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Anwar Maxamed Qarqaash sheegay in ay dawladdii hore ee Soomaaliya is fahan ka lahaayeen heshiisyada Somaliland ee ku saabsan dekedda Berbera. Waxa uu sheegay in aanay Somaliland aqoonsanayn mabda ahaana ayidsan yihiin Soomaaliya mid ah.

Hadalka wasiirru dawlaha ayaa xiisad ka abuuray Somaliland. Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa shalay sheegay in Siilaanyo iyo Madaxweyne Biixi galeen khiyaamo Qaran. Wuxuu Mudane Biixi ugu baaqay in uu iscasilo, halka uu soo jeediyay in Siilaanyo la hor keeno Maxkamad.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa isna sheegay in Somaliland ka dalbanayso Imaaraadka caddaymo ku saabsan doorka Soomaaliya ku lahayd heshiiska, isaga oo sheegay in aanu waxba ka ogayn wax lug ah oo Somalia ku lahayd heshiisyada Berbera

Sayruuqnews waxa uu hadalka wasiir Cawad ka soo xigtay Wariye Xasan Galaydh oo Horn Cable ka tirsan.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.