Wasiir Cali Marreexaan Oo Dalka Qarsoodi Ku Keenay Diblomaasi Sare Oo Xukuumadda Soomaaliya Ka Tirsan, Ujeedada Safarkiisa, Danaha Dhaqaale Ee Ka Xoog Roonaaday Qaddiyaddii Qaranka Iyo Saamaynta Taban Ee Xidhiidhadan Qarsoodiga Ahi Ku Leeyihiin Jiritaanka Somaliland

0
14 views

Xoghayaha 1-aad ee Safaaradda Dawladda Soomaaliya ku leedahay waddanka Turkiga ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku sugan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa kadib markii Masuulkaasi soo raacay oo uu dalka keenay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan) oo toddobaadkii hore dabayaaqadiisii dalka ku soo laabtay kadib safar uu muddo ugu maqnaa waddanka Turkiga.
Ambassador Mukhtaar Bulbul, Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Dawladda Soomaaliya ku leeyahay waddanka Turkiga oo dhalasho ahaan isagu ka soo jeeda Somaliland, gaar ahaan Galbeedka Burco, balse ka mid ah xubnaha ugu sarreeya safaaradda maamulkaasi Soomaaliya ee Turkiga ayaa la sheegay in uu dalka hab dhuumasho ah ku soo galiyey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan) oo dano dhaqaale oo gaar ahi ka dhaxeeyo.
Ilo-wareedyo xog-ogaal ah oo u dhuun daloola safarka Diblomaasigan sare ee maamulka Muqdisho ka tirsani ku yimid Somaliland ayaa Wargeyska Foore u xaqiijiyey in uu ku tacaluqo xidhiidh hoose oo muddoba u dhaxeeyey ninkan iyo Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland kaasi oo isagu la sheegay in uu sabab u ahaa safarkii uu dhawaan Wasiirka Hawlaha Guud ku tagay waddanka Turkiga oo ujeedadiisu ahayd sidii ninkaasi diblomaasiga ahi Cali Marreexaan ugu xidhi lahaa shirkado kala duwan oo qaarkood ahaayeen kuwo dhinaca dhismaha ah oo uu Wasiirku doonayo in uu dalka keeno.
Ilo-wareedyadan xogogaalka ahi waxa ay noo xaqiijiyeen in Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkigu ujeedooyinka uu Wasiir Cali Marreexaan u soo raacay ay ka mid tahay sidii ay uga midho dhalin lahaayeen shirkado gaar ah iyo mashaariic ay muddoba ku hawlanaayeen oo ay doonayaan in ay ka fushadaan iyaga oo iska kaashanaya isla markaana adeegsanaya xilalka ay hayaan. Wasiir Cale Marreexaan ayaa markii uu dalka ku soo laabtay warbaahinta u sheegay in uu Turkiga kula soo kulmay shirkado dhinaca dhismaha ah oo danaynaya in ay ka shaqeeyaan Somaliland.
Masuulkan ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey in uu la socday Wasiirka Hawlaha Guud oo uu waliba ku wehelinayay diyaaraddii uu la socday wasiirku. Ilowareedyadani waxa ay noo xaqiijiyeen in uu masuulkaasi ku sugnaa maalmihii ugu dambeeyey Huteel Imperial ee Caasimadda Hargeysa.
Inkasta oo la ogyahay siyaasad ahaan halka ay Somaliland iyo Soomaaliya kala joogaan haddana intii ay joogtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxa si weyn kor ugu kacay xidhiidhada qarsoodiga ah ee masuuliyiinta xukuumadda qaarkood la leeyihiin masuuliyiinta xukuumadihii kala dambeeyey ee dalkaasi Soomaaliya, xidhiidhadaasii oo qaarkood u badan yihiin dhinacyada danaysiga gaarka ah ee dhaqaale iyada oo wasiirka Hawlaha Guud ka mid yahay xubnaha xukuumadda ee inta badan lagu eedeeyo in ay mudadaasi ay xukuumaddani joogtay si weyn ugu hawlanaa mashaariic iyo dano dhaqaale oo xoog leh.
Lama oga halka ay salaaddu ka xidhmi la’dahay maadaama iyada oo xubno xukuumadda ka mid ahi xaaladdan ku sugan yihiin in mar walba taa baddalkeeda xukuumaddu xabsiga dhigto dad muwaadiniin ah oo shacab ah oo qaarkood lagu xidho safaro Ay Muqdisho kaga soo laabtaan. Sidoo kalena aanay wali waxba iska baddalin nidaamka adag ee sharci ee hore uga yaallay dhinaca socdaalka ee Somaliland iyo Soomaaliya. Waana xaajo ugub ah in masuul wali xil sare ka haya dawladda Soomaaliya dalka soo galo iyada oo ay waliba xubno xukuumadda ahi gardaadinayaan.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here