Wasiir Cadami Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay In Maamul Lagaga Dhawaaqay Badhan

0
128 views

Hargeysa (Sayruuq)-   Wasiirka wasaaradda   gaashaandhiga Somaliland  Axmed Xaaji Cali Cadami,  ayaa ka hadlay maamul goboleed la sheegay in dhawaan laga dhawaaqay degmada Badhan ee bariga gobolka Sanaag, iyo sidoo kale ciidamo la sheegay inay ka soo goosteen maamul goboleedka Puntland.

Dhinaca   kale wasiirku waxa uu ka hadlay sida ay dawlada Somaliland ugu heelan tahay inay wax u qabato dadkii duufaanku waxyeelada u geysatay ee degmada Talleex ee gobollka Xaysimo iyo arrimo kale. Axmed Xaaji Cali Cadami, oo shalay  warbaahinta kula hadlay  xafiiskiisa  ayaa sheegay in aanay jirin wax maamul goboleed ah oo lagaga dhawaaqay magaaladda  Badhan, isla markaana ay tahay arrin aanay waxba ka jirin. Isagoo  arrintaasi ka hadlayayna  waxa uu   yidhi “Dadka qaar dawlada ayay saadinayeen bariga Sanaag, oo ay lahaayeen dawlad baa guri hoostii lagu dhisay, oo gudi iyo madax dhaqameed iyo cid laga magacaabay aanay jirin ee waxaa la yidhi Inan yar oo dharkii daraawiishta gashaday bari-samaadkii baa ku jiray oo sheegay, oo yidhi dawlad ayaanu halkaas kaga dhawaaqaynaa, mana jecli in laga hordhaco. Waxaanan aaminsanahay in dadkii deegaanka degan ee ka talinaayay ay yidhaaheen inaga nalaguma shaanbadeyn karo namana matalo wiil yar oo intuu guri galay hadal yidhi.” Sidoo  kale Wasiirku  waxa  uu sheegay in dadweynaha degaanka Widh-widh uu u dhaxeeyo xidhiidh wanaagsi waxaanu yidhi “Widh-widh wakhtigan xaadirka ah dadkeeda iyo deegaankeedaba xidhiidh wanaagsan ayaa noo dhaxeeyaa, awood ciidan oo noo joogta ayaanu ku leenahay, oo aanan qarinayn”.

Dhinaca kale wasiir Cadami waxa uu ka hadlay ciidamo la sheegay in ay ka soo goosteen maamul goboleedka Puntland una soo galeen dhinaca Somaliland.  “Dhawaan ayay ahayd markii ciidan ay yimaadeen Caynaba ee ay Huteelka galeen, iyadoo la galbinayo ayaa la celiyay markaan run kuu sheegana weli  anaga ciidankaasi nama soo gaadhin keli-yana waxa yimid nin sarkaal ah  oo uu waday badhasaabku.  Wax  hore loo sii darsay  oo laga tashadayna may ahayn.Wakhtiyo  aanu intaa ka jilicsaneyn ayaanu intaa ka beer nugleyn oo la odhan jiray tallow  maxaa soo yeedhi markaa  kalsooni buuxda ayaanu ciidankayaga ku qabnaa.  Shacabka  Somaliland oo gabi ahaantii u heegaana oo diyaar u ah oo sacaada askar   isu wada rogaya ayaanu heysanaa cid ala cid aanu maanta ka cabsi qabnaana ma jirto oo Puntland-na wixii xidhiidha ee na dhexmara waa wax labadayadaba dani ugu jirto. Laakiin  anagu iyaga kama fileyno daandaansi toosa inay noogu yimaadaan iyagana ka filimeyno”  ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhiga mudane Axmed Xaaji Cali oo u waramayay Telefiishanka Bulsho TV. Wasiirka gaashaandhiga   waxa uu ka hadlay  xaaladda dadka magaaladda  Taleex ee gobolka Xaysimo  oo ay dhawaan roobab waxyeelo u gaysteen, isagoo  xusay in ay dawladu u heelan tahay sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay duufaantu waxyeelaysay ee degmada Taleex.Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna  waxa  uu yidhi “Degaamadii ay duufaantu burburisay ee gobolada bariga Somaliland ee Taleex waa la tagey, wefti-baana loo diray waana dhawr iyo konton baa la yidhi guryahaas dumay,  oo waa loo balan qaaday in loo dhiso, waxna lagala qabto dhibaatadaas run ahaantiina dadkaasi lexe jeclo ayaa loo qabaa dadkaasi.” Ugu dambayn,  wasiirku waxaa uu shacabka gobolada bari ugu baaqay inay qaataan kaadhka diwaangelinta.  Waxaanu  yidhi “Wax badan baynu ku seegnay hadii aanu labadaas degaan nahay, faa’iido iyo khasaare intee inoogu jirta oo aynu go’aamo degdega gaadhnay maanta se wixii waynu ka soo doognay garashadii wax aynu hada saluugeynaa ma jiro, markaa waxaan leeyahay diiwaangalinta si wanaagsan u qaata, kaadhadhkiinana qaata”.

Dawan

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here