Wasiir Caateeye Oo Qaabiley Maamulihiisii Dugsiga Sare

0
686 views
Wasiir Caateeye Oo Qaabiley Maamulihiisii Dugsiga Sare

Wasiir Caateeye Oo Qaabiley Maamulihiisii Dugsiga Sare

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Somaliland mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maamulihiisii dugsiga sare ee dugsiga Maxamuud Axmed Cali ee Hargeysa.

Maamulihii hore ee dugsiga Maxamuud Axmed Cali Mudane Cali Balayax ayaa wasiir Caateeye ugu yimid hambalyo ku saabsan xilka loo dhiibay waxaanu sheegay in uu ku faraxsan yahay ardadiisii oo hadda heer wasiir gaadhay.

Mr Ballayax ayaa magacaabista wasiirka da’da yar ee Caddaaladda uga mahadceliyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaanu madaxweynaha ku ammaanay dhalinyarada uu xilalka sare u magacaabay si ay Qaranka ugaga faa’iideeyaan aqoontooda iyo kartidooda inta ay firfircoon yihiin ee ay xoogga iyo maskaxda dihin leeyihiin.

Wasiir Caateeye ayaa si weyn u soo dhaweeyay maamulihiisii Mr Cali Balayax ugana mahadceliyay bookhashada iyo sida uu ula dhacsan yahay heerka uu gaadhay, kana mahadceliyay tacabkii waxbarasho ee la soo galiyay oo u horseeday heerka uu hadda joogo.

Wasiir Caateeye Oo Qaabiley Maamulihiisii Dugsiga Sare

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.