Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo shirballaadan ku soo bandhigtay qorshaha waxqabadeeda arrimaha Tamarta (Sawirro)

0
56 views

Hargeysa (Sayruuq)-Wasaaradda Macdanta iyo tamarta Somaliland ayaa si weyn u soo bandhigtay qaybo kamida wax qabadooda gaar ahaan dhinaca Tamarta “Energy” ga iyo mustaqbalkan dhaw ee soo socda waxyaabaha ay damacsan yihiin inay ku dardargeliyaan arrimaha kobcinta Tamarta sida wayn loogu baahan yahay inay bulshadu helaan koronto jaban oo ku filan guud ahaan dalka oo dhan sidaana waxay wasaaraddu ku sheegtay shir ballaadhan oo ay maanta ku qabatay Hotelka Maan-soor kaasoo qayb ka ahaa shirkii 3 dii cisho ee la soo dhaafay hay’adda Shuraako uga Socday Hotelka Maan-soor ee Hargeysa.

Shirkaasi waxaa ka soo qaybgalay intii ugu muhiimsanayd wufuuddii dalka iyo dibadaha ka kalayimid ee shirkaasi lagu soo Casuumay sida Baanka Aduunka,Baanka Hormarinta Africa,hay’ado kale oo caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha Tamarta iyo kuwa ururka ay leeyihiin shirkada Tamarta ee Somaliland,Geel “Grouth Enterprise Energy and Livestock” iyo qaarkale, furitaankii shirkaasi waxaa ka hadlay agaasimaha waaxda qorshaynta wasaaraddaasi Mr Cabdi-fataax oo isagu barnaamijkaasi daadidihinayey.

Shirkan oo ay maanta ugu dameysay ayaa lagu soo xidhay qaybta Tmarta “Energy department” kaasoo ay daadihinaysay wasaaradda macdanta iyo tamarta isla markaana duruustii ugu badnayd ee halkaa lagu soo bandhigay waxaa soo diyaariyey khbaro dhalinyaro ah oo aqoon fiican u leh rrimaha laga hadlayey ee Tamarta waxaana kamid ahaa Engeneerrada si qiimaha badan u soo diyaaariyey duruusta la xidhiidhay Tamarta Mr Liibaan iyo Cabdifataax oo agaasime waaxeedo ka ah wasaaradda macdanta iyo Tamarta.

Daadihiyii barnaamijka shirkaasi ayaa ka soo qaygalayaashii shirkaasi uga warbixiyey arrimaha uu kulankani daaranyahay ee shirka lagu naaqishayo “magacaygu waa Cabdi-fataax waxaan ahay agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda macdanta iyo Tamarta waxaanan idinku soo dhaweynayaa kulankeenna maanta oo aynu kaga hadlidoono arrimaha Tamarta” ayuu yidhi Mr Cabdi-fataax.

Intii aanu doodihii iyo falanqayntii arrimihii shirkaasi loo qabtay bilaaban waxaa halkaa khudbad dheer oo la xidhiidhay arrimaha macdanta iyo tamarta ka soo jeediyey wasiirka wasaaraddaasi Xuseen Cabdi Ducaale waxaanu markiihore magaca wasaaradda ku soo dhaweeyey ka soo qaybgalayaashii shirkaasi isagoo u mahadceliyey dhamaan wufuuddii ka kalayimid meelaha fogg-fogg ee dalka dibaddiisa “markahore magacaygu waa Xuseen Cabdi Ducaale waxaan ahay wasiirka wasaaradda macdanta iyo Tamarta Somaliland waanan ku faraxsanahay inaan shirkan idinku soo dhaweeyo” ayuu yidhi Mr Ducaale.

Wasiirku waxa uu ka warramay baahida weyn ee ay bulshada Somaliland u qabto inay helaan koronto jaban oo ay iska bixin karaan kan taajirka ah iyo kan danyaerta ahiba si taa loo helan waxa uu xusay in loo baahan yahay inay Bulshadu iska kaashadaan sidii xoogga u saari lahaayeen inay shirkada gaarka loo leeyahay ee ku hawlan arrimaha Tamarta ee cadceedda iyo dabaysha ku shaqeeya oo ah shaqada wasaaraddiisu u xilsaarantahay kala shaqeeyaan wasaaraddu dadaallada ay waddo ee lagu doonayo inuu dalku helo Koronto jaban “korontada dalkeeno waa qaali runtiina shirkada iyo hay’adaha doonayaa inay maalgashadaan dalkeenna innagu soo dhiirran karimaayaan inta ay korontadeennu sidaa qaaliga u tahay” ayuu yidhi wasiirka macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale.

Khubarada iyo Engeerada wasaaradda Macdanta dhalinyarada ah iyo wasiirkooda ayaa looga mahadceliyey isla maraana sacabka lootumay qaabkii wanaagsanaa ee ay shirkaasi u maamulayeen saacadihii uu socday iyo sidookale warbixinadii qiimaha iyo aqoonta ku fadhiyey ee ay soo bandhigeeen “waxaanu aad uga raali nahay sida qiimaha badan ee ay wasiirka kooxdiisu noogu soo bandhigeen warbixinnadii qiimaha lahaa ee aanu halkan ku dhageysanay waanay ku mahadsanyihiin Engeneerada da’yarta ah ee howshan ka soo shaqeeyey” sidaa axaa yidhi Agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda qorshaynta Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin oo kamid ahaa aqoonyahanadii ka soo qaybgalay shirkaasi.

Waxaa isna halkaa warbixin la xidhiidha arrimaha baadhistii lagu waday Shidaadlka halkaa ku soo bandhigay madaxa ciliga dhulka Me Cumar Yuusuf Cmar waxaanu sheegay inay hawihii baadhintaanka iyo sahaminta dhulka lagu tuhunsan yahay shidaalku meelfiican maayso isla markaana rajo badan laga qabo inay wax waliba kudhamaadaan sidoo la rabay.

www.Sayruuq.com

Xafiiska Hargeysa

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.