Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta Oo Deeq Raashin 2350 Qoyis Ah Ku Wareejisay Gudiyadda Abaaraha Ee Baligubadle,Salaxley ,Sabawanaag Iyo Oodweyne .

0
4 views

Haqrgeysa(Sayruuq)-Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jsl Oo ay waheliyaan Shirkadda shiidaal baadhista ee Genel Energy ayaa deeq raashin ah oo ku filan 2350 qoyis gaadhsiiyey Magaalooyinka Baligubadle ,Salaxley ,Sabawanaag iyo Oodweyne .Raashinka oo Wasiirku ku wareejiyey gudiyadda heer dagmo kuwaas oo loogu talagalay in la gaadhsiiyo 65 tuulo oo hoos yimaadda dhulka wasaaraddu sahanka shiidalka block Oodweyne ku sameyn doonto bilaha soo socda .
Wasiirka iyo waftigiisa ayaa ka soo bilaabay qeybinta raashinka Magaaladda Baligubadle ee xarunta gobalka Hawd kaas oo ay si maqaam sare ah ugu soo dhaweeyeen Guddoomiyaha Gobolka xildhibaanadda deeganka iyo bahadda garsoorka iyo gudida abaaraha ee heer gobol waxaanu Wasiirku gudoonsiyey deeq raashina oo dhan 350 Qoyis .
Wasiirk Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sheegay in wasaaradda Tamarta iyo Macdantu Masuuliyadeed tahay ka war heynta iyo khayraadka dabiiciga ah Macdanta iyo tamarta taasina keentay in shirkadaha shiidaalka sahaminta ka wada Somaliland qaylo dhaan u diraan ay kaga qeyb qaadanayaan taakuleynta abaaraha ku habsaday dalka ‘’ waa deeqdii afraad ee shaarkadaha baataroolku raashinka iyo biyaha ay ku deeqaan aan ku qeybino Somaliland ka mid ah ,halkan maanta waxaan u sidnaa 350 qoyis raashin ku filan oo iskugu jira bariis iyo sonkor iyo timir”.
Badhasaabka Gobolka Hawd Md Ibraahim Cali Xasan ayaa uga mahad celiyey Shirkadda Genel Eneregy iyo wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland deeqdan raashinka ah waxanu yidhi “wasirka iyo wafdiga shirkadda Genel Energy waan ka gudoonay raashinka runtii waanan ka mahadcelinaynaa ,waxaan aad uga mahad celinaynaa wasiir juhidaga aad ugu jirto in shiidaaal wadankii laga helo dagaalka aad ugu jirto ee mid sare iyo mid hoosaba ah aad baan kaaga mahad celinaynaa ,waanan ku garab taaganahay”.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa sido kale deeq 500 oo qoyis oo raashin ah gaadhsiiyey degamdda Salaxlexley halkaas si wanaagsan loogu qaabilay wafidga lagagana gudoomey deeqdaasi .
Sido kale wasiirku waxa deeq taasi la mid ah gaadhsiiyey degmada Sabawanaaga oo dad aad u tiro badan iyo salaadiin iyo ugaasyo ay ku soo dhaweeyen wafdigan wasiirka iyo shirkadda Genel Energy , raashinka sabawanaag ayaa dhamaa 500 qoyis raashin ku filan .
Safarka wasiirka ayaa Habeenimadda gaadhay Magaaldda Oodweyene ee Xarunta Gobalka Daadmadheedh oo guddoomiyaha gobalka bulsha weynta Oodweyne iyo cugaasha salaadinta waxgardka madaaladaasi habeenimadii si heer sare ah loogu soo dhaweyey waftiga .
Wasiirka ayaa ku Wareejiyey Deeqdii raashinka aheyd Badhasaabka gobalka iyo gudoomiyha gudida baarha ee heer gobal 650 qoyis oo loogu talaglay dadka ay abaahu saameyeen, jamaal oo ka tirasan shirkadda Genel Energaya ayaa faafaahiyey sida raashinkan ku yimid waxaanu yidhi ‘’codsi ka yimid wasiirka iyo wasaaradda ayaa lagu soo aqbalay raashinkan waxaan soo baxaday intii labadda block loo kala qeybiyey oo intan ayay noqotay ,Daadmadheedhna waxaa ku soo beegmay 650 qoyis intii uun baan wareejinayana insha allahu tacaala”.
Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale oo goobtaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay deeqdan iyo sida ay wasaaraddu uga warhayso abaarta baaxadda leh ee dalka ka jirta “runtii sida maareyaha shirkadda Genel ee block galbeed sheegay deeqdan kooban ee raashinka ah looguna talagalay 650 qoyis ,waxaan si rasmi ah ugu wareejinayana Guddoomiyaha gobalka Daadmadheedh iyo Guddoomiyha gudidda abaaraha ee gobalka ayaan ku wareejinayana runtii maanta aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan nimaadno Oodweyne ,oo aan keeno deeqada ay soo bixsay shirkadda Genel oo ah qeyb ka mid ah deeq shirkaddu ugu deeqaday block-eeda galabeedka oo aan u qeybineyn 65 tuulo magaalo madaxdeeduna u ahyed Magaaladda Baligubadle,Salaxley,Sabawanaaga iyo Oodweyne iyo in yar oo aan ugu danbeysiinyno oo ah Burco galbeedkeeda intaas oo meelood oo 65 tuulo ah sidaa la ajligeedna sidaas ayuu u koobnaaday wanaan ku faraxsanahay in aan xusno “.
Guddomiyaha Gobolka Daadmadheedh Md Farxaan Xasan Cabdi “wasiirka Tamarta iyo Macdanta shirkada Genel Energy waad ku mahadsantihiin deeqadan raashinka ee aad na soo gaadhsiisen gobolkan Daadmadheedh ,waanad dareemi kartaan abaartan sii labin laabmaysa ee gobalka ka jirta ,maanta cidii kiish noo keenta wasiirn waan ka gudoomaynaa”
Gudoomiyaha Gudida Abaaraha ee heer gobol sheekh salaan Cabdiraxmaan “waxaan u mahad celinayan wasiirka iyo waftigan balaadhan ee la socda waxaanan ka gudoomaynayna angoo waliba ka mahad naqayna way yartahay laakin se dada u baahan ayaa jira oo ka baqtiyeya ,markaa aad iyo aad baan idinka mahad naqeynaa”
wasiirka ayaa aroorti hore soo kormeeray mashaaric horimarineed oo uu ka hirgaliyey gobolka sida Dugsiga sare ee Oodweyne ,Dugsiga Hoose Dhexe Harag waafi iyo Xananadda Msgka Oodweyne oo dhamaantood wasaaradu ka hirgalisay tamarta solarta ee cadceeda ,iyagoo hawulwadeena goobahaasina qireen kaalinta mugta leh ee ay u soo kordhisay tamartaasi.
Hargeysa/Office
Sayruuq.com
Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here