Home Somali News Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka Dhexe ee Somaliland oo banaanka soo dhigay awood daradooda, Magansaday-na sarriflayaashii ay shaqada ka joojiyeen markii Doolarkii cirka mar kale isku shareeray

Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka Dhexe ee Somaliland oo banaanka soo dhigay awood daradooda, Magansaday-na sarriflayaashii ay shaqada ka joojiyeen markii Doolarkii cirka mar kale isku shareeray

4 min read
0
0
778

Hargeysa(Sayruuq)- kulamo toddobaadkii u danbeeyey Baanka dhexe ku dhex marayey Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Baanka iyo sarriflayaasha waaweyn ee Dahabshiil, Telesom, Oomaar iyo shirkaddaha kale ee ay dhawaan xukuumaddu ka joojisay saarifka ayaa lagu waramayaa khamiistii shalay in lagu Heshiiyey inay xukuumaddu ka noqoto go’aamadeedii ay ku talaabsatay, kadib markii ay waxba ka qaban kari weyday Sicir bararka.

Xukuumadda ayaa la sheegay inay sarriflayaasha ka dalbatay inay wax ka qabtaan dajinta qiimaha sarrifka ee kor u sii kacaya, iyadoo aan wax shuruud ah ku xidhan, taasoo muujisay talaabooyinkii ay xukuumaddu doonaysay inay wax kaga qabato sarrif bararku inay ahaayeen kuwo aanay ka fiirsan ama aanay awoodba u lahayn.

Qiimaha sarrifka ayaa ku dhaw sagaal boqol oo Kun boqolkii doolarba, halkaas oo ahayd halkii ay xukuumaddu ku xidh xidhay sarriflayaasha isla markaana guddida loogu magacaabay, iyadoo awaamiir ad adag ay ku lamaansay, balse dhamaantood noqday kuo fashilmay.

Sarriflayaasha ayaa xukuumadda ku qanciyey inay faraha uga qaado xal u helida Sarrif bararka, waxaanay balanqaadeen toddobaadkan inay suuqa galin doonaan Doolar badan, taasoo tijaabo u noqon doonta awoodooda, waxaanay horseedi doontaa haddii ay ku guulaystaan tamarta Xukuumadda.

Sababaha keenay inay xukuumaddu magansato Sarriflayaasha ayaa lagu xidhiidhinayaa muddadii ay go’aanka ku dhawaaqday illaa manta inay weyday Doolar ay suuqa galiso, sidoo kale, Shilling Somaliland-ka ayaa cidhiidhi ku ahaa, taasoo kalifta lacag cusub oo suuqa sii kicisay inay xukuumaddu u adeegsatay kharashaadkii ay isticmaalaysay.

Dadweynaha Reer Somqaliland ayaa sugayey markii Dekedda Berbera la kireeyey in Doolarkii warbaahinta loo soo bandhigay wax lagaga qaban doono sarrif bararka, hase yeeshee lacagihii adkaa ee dalka soo galay ayaan la ogayn meel ay ku danbeeyeen.

Illaa hada Xukuumadda Somaliland iyo Sarriflayaashu talaaabadan ay isla qaateen kamay hadal, hase yeeshee waxa la sugaa waa talaabada ay sarriflayaashu Suuqa Sarrifka lacagaha qalaad ay ka muujiyaan.

Load More Related Articles
Load More By admin
Load More In Somali News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Axkaamta Soonka – Casharka koowaad

RAMADAAN KARIIM – Dhammaan akhyaarta bar bulsheedkan. Sidii caadada ii ahayd waxa aa…