Wasaaradda Maalgashiga Oo Beenisay War Laga Baahiyay

0
304 views

Wasaaradda Maalgashiga Oo Beenisay War Laga Baahiyay

Hargeysa(Sayruuq)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga JSL Md. Axmed Abokor Maxamed ayaa maanta beeniyay war ay baahiyeen qaar ka mid ah Wargeysyada iyo Website yada dalka oo sheegayay in Wasaaraddu heshiis maalgashi la gashay Bangi aan jirin.

Md. Axmed Abokor waxa uu soo bandhigay caddaymmo muujinaya jiritaanka Bangiga Maxtor, waxaanu warbaahinta kula dardaarmay in aanay baahin warar aanay caddayn u haynnin, iyaga oo aan baadhitaan sax ah samaynnin.
Warkan Halakan Ka Daawo

Dhinaca kale, Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo ah Wakiilka Bangiga Maxtor ee Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa si adag u beeniyay wararka ay baahiyeen Warbaahinta, waxaanu si weyn uga hadlay jiritaanka Bangiga iyo hawlaha ballaadhan ee Maalgashi ee uu Afrika iyo adduunka kaleba ka wado.

Sayruuqnews.com
Hargeysa-Somaliland
sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.