“Wasaaradda Ciyaaraha Waxan Leeyahay Falaadhi Gil-gilasho Kagama Godo”Guddoomiyihii Hore Olambiga Somaliland Oo Qoraal Ku Qadaadhigay Masuuliyiinta Ciraaha Dalka.

0
3 views

Hargaysa(Sayruuq)-War-saxadeed uu war-baahinta soo gaadhsiiyay   ayaa gudoomiyihii hore ee Olambiga Somaliland oo haatan hogaaminaya koox kubada cagta ah ooka qayb qaadanaysa ciyaaro kubada cagta ah oo ay ku kulmayaan 12 wadan oo sida Somaliland aqoonsi doon ah dalka Abakhazia ku kulmayaan, ayaa waxa uu daaha kaga rogay musuqmaasuuq uu sheegay in uu kaga tagey xilkii wasaarada ee gudoomiye nimo.

image

Xasan Waraabe-Cadde ayaa si weyn u tageeray koox kubada cagta ah oo ka mid ah ururka kubada cagta ee ay ku bohoobeen ciyaartooyada Somaliland ee UK oo mud oka jiray dalkaa oo sameeyeye koox sanaihii ugu dambeeyey ka ciyaaray fagaarayaal caalaami ah oo ay la dheeleen kooxo wata magacyada wadamadooda iyagoo qurbe-joog ah.

Kooxdan uu hogaaminayo ayaa ciyaatoy Somaliland jooga ay ka mid noqdeen , kuna biirayaan kooxda UK , Norway iyo wadamo kale o Yurub ah ka kala imanaya. War-saxafadeedka Xasan Waraabacadde ayaa u dhignaa sidan:

FalLaadhi Gilgilashada kaagama fuqdo

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan shacbi-weynaha Somaliland meel kastoo ay joogaan gaar ahaan bahda ciyaaraha ee sharafta mudan.
Waxaan ka xumahay Hadallada Raqiiska ah ee uu Wasiirka Cayaaruhu shir saxaafadeed uu qabtay uu aniga igaga hadlay. Waan ogahay Wasiirku aqoon badan iima laha waanan ogahay cidda hadalladaa raqiiska ah u dhiibtay, maanse jeclayn in aan ka jawaabo, waayo dadka maanta isbari maayo anigu laakiin Falaadi gilgilashada kaaga hadhi maayso.

Wasiir waxaan kuu caddeynayaa in aan iska casilay Godoomiyenimada Olymbiga Qaranka bishii September, sidey u qornaydna waan kuu soo gudbin doonaa una dhiibay wasiirkii hore waxaanan ahaa shaqsigii kaliya ee markuu arkay masuqmaasuqa iyo karti darrada ka socota wasaaradda go’aansaday in aanu qayb ka noqon.

Haddaba, waxaa fiicnayd in aad ummada u soo bandhigto xaqiiqda war-saxaafadeedkaaga waxaanan kuu caddeynayaa in aanan xil ka hayn wasaaradda, adiguna aanad aqoon ii lahayn. Waxaa kaa horreeyay war-saxaafadeed aad ku daadifinaysaan kuna cambaareynayseen dhalinyaro is abaabushay oo qarankan ku ilaalinaya sumcadooda Somalilandnimo oo ku nool UK, Norway iyo Germany oo ka qayb gelaya tartan waddamada aan la ictiraafin (Eeg halkan http://worldfootballcup.org/) hormoodna ka yihiin dhalinyartaa UK ee maanta soo bandhigi doonta sumcadda wadankooda iyo calankooda oo aanu ka mid nahay kuwa garab taagan hawshaas quruxda badan ee foodda inagu soo haysa ee Abkhazia World Cup 2016 .

Hawshaas yaa diidan yaa been abuur ka sameeyay, yaa ku tilmaay jabhado, meeqaam aan inagu haboonaayn, yaa ku cayaaraya sharafta iyo sumcadda madaxda qaranka, yaa dhalinta ku tilmamaya jabhado lala cayaarayo. Horta akhrista qoraalka halkan ku lifaaqan (http://worldfootballcup.org/). Waxaan u caddeynayaa umadda soona bandhigayaa qoraalladii loo diray CONIFA ee la doonayay in lagu joojiyo sharafta iyo sumcadda Somaliland ragga horseedayna la niyad jabiyo.

Anigu Xassan ahaan arrinkaygu waa wax sahlan laakiin yaa ka garnaqaya sharaf-dhaca aad samayseen (Wasaaradda Ciyaaraha) ee aad isku daydeen in aad gaalada si ixtiraam-darro ah aad waraaqo ugu qortaan maantana aad istidhaahdeen waxaan ku gaban karnaa anagoo Xassan dusha u saarna fadeexaddaas idin dul hoganaysa.

Waxaan diyaar u ahay in la baadho cidda sharafta iyo qaranimada halkay ku haboon tahay diidan lana horkeeno sharciga.
Waxaad iga sugtaan waa qoraaladii oo dhan.

ALAA Mahad leh
Xasan waraaba-cadde
Ka qaaybgalayaasha CONIFA WORLD CUP 2016”

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here