Wasaaradahe La Saluugsan yahay Xukuumadda Cusub

0
908 views
Wasaaradahe La Saluugsan yahay Xukuumadda Cusub

Wasaaradahe La Saluugsan yahay Xukuumadda Cusub Ee Uu Soo Xushay Madaxweyne Muuse Biixi Oo Da’deedu Afar Bilood Afka La Gashay Iyo Wax Isbadel Ah Oo Aan Wali Muuqan + Wasaaradaha Aadka Loo Saluugsan Yahay

Hargeysa (Sayruuq)- Inkasta oo ay Afar bilood wax ka yari ka soo wareegtay markii uu talada dalka la wareegay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, islamarkaana uu soo dhisay Xukuumad ka kooban wajiyo Cusub ayaa hadana waxa si weyn loo hadal hayaa inaanay wali Bulshadu fahmin hanaanka ay u shaqaynayso Xukuumaddani iyadoo aanay wali ka tisqaadin wax isbadel ahi Hay’addaha Dawlada dhexdooda islamarkaana ay dadku keli ah dareemeen oo qudho Busaarad iyo Shaqo la’aan baahsan oo sii kordhaysa iyo waliba cidhiidi xagga nolosha ah.

Bulshada Somaliland ayaa tan iyo markii uu talada dalka la wareegay Madaxweyne Muuse Biixi waxa ay si weyn u naawilayeen isbadel horleh oo dhinaca noloshooda saamayn ku yeesha, mana jiro wali wax iska badelay hanaankii hogaamineed ee dalka iyo hanaankii ay Hay’addaha dawladu u shaqaynayeen,marka laga reebo shaqsi shaqsi lagu badelay iyo ficilo afka uun ah oo wali socda,waxaanay taasi keentay inay bulshada Somaliland durba si weyn uga dayrinayaan wajiga hore ee hawlgalka Xukuumadda Muuse Biixi oo aan xiitaa wali waxba ka qaban dhinacii nolosha dadka oo cidhiidhi sii galaysa marka loo eego sixir bararka dalka ka aloosan oo aanay Xukuumadddu u maare helin iyo shaqaale la’aantii baahsanayd ee sannanaddii u dambeeyay dalka ka taagnayd.

Inkasta oo uu Madaxweyne Muuse Biixi dhamaystiray Magacaabista Masuuliyiinta Wasaaraddaha Xukuumaddiisa,haddana waxa si weyn loo saluugsan yahay,oo aad loo dhaliilsan yahay Qaar ka mid ah Wasiiradda uu soo xushay,Waxaana habacsanaan wayn laga dareemayaa illaa Shan Wasaaraddood. Wasiiradda sida weyn loo dhaliilsan yahay ee Wasaaraddaha loo dhiibay ka muuqato isku dhex yaac Maamul ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Yuusuf Maxamuud Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Warshadaha Maxamed Sacad Iidle Saajin, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir(Farotoon). Masuuliyiintan ayaa si weyn loo dhaliilsan yahay marka loo eego Xaalada ay Wasaaraddahoodu ku sugan yihiin.

Wasiiradda Ganacsiga iyo Maaliyadda ayaa si gaar ah farta loogu fiiqayaan waxaanay ka mid ahaayeen wasaaradihii laga filayay inay hawlaha shaqo ee horyaala ee Go’aanka laga qaadan kari laayahay ay dhaqaajiyaan,sida sixir bararka iyo maciishada sii qaaliyoobaysa. Sidoo kale Wasaaaradda Waxbarashada ayaa iyaddan sidii laga filayay hoos u sii dhaaftay waxaanay ka mid tahay Wasaaraddaha umaddu ka niyad jabeen markii uu Madaxweyne Muuse ku soo tuuray Oday Fartoon oo bulshadu u aragto inaanu waxba ka qaban Karin marka loo eego kartidiisa shaqo iyo hawsha baaxadleh ee Wasaaraddaasi ka jirta. Warar hoose oo aanu helnay ayaa noo xaqiijiyay inay Wasaaradahani ka mid yihiin Kuwa ugu horeeya ee uu Madaxweyne Muuse Biixi dib ugu noqonayo ama uu wax badel ku sameeynayo.

Qaabka uu Madaxweyne Muuse u soo xushay Xukuumaddiisa ayaa bilawgiiba dad badani ka biyo diideen,iyadoo dad kalena ay isku qanciyeen in wakhti laga dhursugo waxaana hadda iska soo daba baxaysa dhaliilo ku saabsan tayo la’aan baahsanta ka dhex jirta Masuuliyiinta uu xilalka taxay. Muuse Biixi ayaa laga dhursugayaan inuu dib ugu noqdo oo uu toosiyo meelaha ka qaloocday Magacaabistiisa iyo inuu indhaha ka xidhay oo uu keli ah yoolkiisu ahaa inuu maruun Hogaanka dalka iyo kursiga looga arimiyo ku fadhiisto.

Xigasho:Wargeyska Foore

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

sayruuqnews@gmail.com

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here