Warqad Furan Oo Ku Socota Wiilasha Siilaanyo:-Waxa La Gaadhay Xiligii Aad Qaadi Lahaydeen Talaabooyin Aad Ku Badbaadinaysaan Taariikhda Guunka Ah Ee Madaxweynaha Somaliland

0
4 views

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waa madaxweynaha afraad ee soo maray Somaliland , haddii si kale aan u dhigana waa madaxweynihii labaad ee shacabka Somaliland si dimuqraadi ah ay codkooda ugu soo doorteen.  Waxa uu shacbiga Somaliland ay si xamaasad leh ugu doorteen doorashadii madaxtooyadda ee wadanka ka qabsoontay 6 June, 2010-kii. Ka dib markii ay ku qanceen inuu yahay Hoggaamiyaha Somaliland ka saari kara marxaladii xiligaasi ay ku jirtay isla markaana la iman kara isbedalka bulshadu u baahan tahay ee gaadhsiin kara horumar dhaqan dhaqaale.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, xukuumadiisu waxay bilowgiiba qabatay  tallaabooyin u muuqday inay kaga dhabaynayso isbedalkii lagaga fadilay labadii murrashax ee kale ee doorashadii aqlabiyada loogu cugtay kula tartamay. Hase yeeshee waxa  markiiba soo baxay oo dalka oo gudo iyo dibadba ka dhacday in  awooda xil-gudasho ee madaxweynuhu hooseyso, taasina ay dhalisay in isteerinkii hoggaaminta Somaliland uu u gacan galay kaaliyeyaashiisa iyo  xubno qoyskiisa ka mid ah oo uu ka mid yahay  Wakiilka Somaliland u fadhiya imaaraatka carabta ee reer Somaliland u bixiyeen Moorgan-ka aan hubaysnayn.

waxa siyaasiyiinta, xubnaha goleyaasha iyo xisbiyada mucaaridka ahi ay faq iyo fagaareba ka sheegeen in jileyaal ummaddu aanay doorani ay sifo sharci daro ah ku qabsadeen awooda fulineed ee madaxweynuhu lahaa. Waxa kaloo muran ma doon ah ay hoos u dhacday awooda shaqo iyo hal-abuurnimadii  madaxweyne Siilaanyo oo dadka qaar u sibir saaraan inuu gaboobay, halka qaar kalena ay ku doodaan inay maqaadiiri ku dhacday.

Haddaba, waxa isweydiin leh intii madaxweyne Siilaanyo, MADAXWEYNE SIILAANYO  Miyaanu wiilal lahayn qaangaadh ah oo dhegta iyo karaamada aabahood ilaaliya oo ka damqada in shabakado dhaqaale doon ahi oo iskugu jira Wasiirro daneysteyaal ah iyo oo damacooda dhaqaale uu madaxweynihii ummaddu jamatay u soo jiidayaan taariikh madow. Sidaas darteed waxa la gaadhay xilligii wiilasha Madaxweyne Siilaanyo ay talaabo qaadi lahaayeen oo aabahood ka badbaadin lahaayeen sumcad xumada ay la doonayaan Baashe Moorgan iyo Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, kuwaasi oo doonaya inay Somaliland geliyaan heshiisyo macno darro ah oo saameyn halis ah ku keenaya wadanka oo khaatumo xumo dhaxal siinaysa sumcadii iyo taariikhdii dheerayd ee Madaxweyne Siilaanyo.

Sidaas awgeed, waxa la eegi doonaa in caqligu shaqeeyo wiilasha madaxweynaha  oo ay aabahood ka xoreeyaan qowlaysatada  ku gadaaman ama inay sugaan midhaha natiijada ay ka dhaxli doonaan kooxdan magaca madaxweynaha ku shaqeysanaysa ee dalkana haadaanta ka tuuraysa.

XiGASHO: HADHWANAAG

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here