Wariye Sanad Ka Maqnaanaya BBC-da

0
1,038 views
Wariye Sanad Ka Maqnaanaya BBC-da

Wariye Sanad Ka Maqnaanaya BBC-da

Weriyaha Laanta af Soomaaliga ee BBC, Cabdirisaaq Xaaji Catoosh, ayaa muddo sanad ah fasax ka qaatay howshii BBC-da.

Fasaxa sanadka ee Catoosh ayaa wuxuu billaabanayaa 1-da Oktoobar 2018-ka, waxaana uu ku egyahay 30-ka Siteembar 2019-ka,

Madaxa laanta Af Soomaliga ee BBC, Cabdullaahi Cabdi Sheekh, ayaa sheegay inuu kheyr u rajaynayo muddada uu Catoosh ka maqan yahay laanta, isla markaana uu ku rajo weyn yahay inuu soo noqon doono sanad ka dib.

Cabdullaahi wuxuu sheegay in dhageystayaasha ay la socodsiin doonaan haddii uu isbeddel ku yimaado xilliga uu Catoosh soo noqonayo.

Cabdirisaaq Xaaji Catoosh waxaa uu ka mid ahaa weryiyeyaasha ugu khibradda badan xafiiska BBC Nairobi.

Wuxuu Laanta af Soomaaliga u ahaa barnaamij tebiye khibrad weyn u leh xirfaddiisa, oo dhageystayaasha ay la qabsadeen codkiisa, isla markaasna qaar badan oo iyaga ka mid ah ay sheegeen inay ka helaan qaabka uu wax u tebiyo.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.