“Wargeyska Waaberi Wuu Haysta Ruqsad Sharci Ah,” Xuuto

0
163 views
“Wargeyska Waaberi Wuu Haysta Ruqsad Sharci Ah,” Xuuto

“Wargeyska Waaberi Wuu Haysta Ruqsad Sharci Ah,” Xuuto

Maxkamadda Rafcaanka ee gobolka Maroodijeex ee Somaliland ayaa xayiraaddii ka qaadday wargeyska Haatuf oo ka mid ahaa kuwa ka soo baxa Hargeysa, halka wargeysyo kalena wali xayiran yihiin.

Ururka Saxafiyiinta Somaliland ayaa xayiraad-ka-qaadistan ku tilmaamay tallaabo wanaagsan, waxaanay sidoo kale dalbadeen in la sii daayo wargeysada kale ee xayiran oo uu ka mid yahay Waaberi oo bishii hore la xayiray.

Masuuliyiinta wargeyska Waaberi iyo guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxay sheegeen in Waaberi haysto warqada sharci ee looga baahan yahay mulkiyaddiisa kuwaas oo si rasmi ah uga soo baxay wasaaradda warfaafinta iyo Xeer ilaalinta.

Wargeyska oo bishii hore Maxkamadda gobolka Maroodijeex xannibtay waxay xeer ilaalintu ku soo eedaysay in aanu haysan ruqsad laakiin, warqadda ruqsadda ee wargeysku ku hawlgalaya waxay rasmi uga soo baxday xeer ilaalinta iyo warfaafinta.

“Waxaanu nahay muwaadiniin saxafiyiin ah waxaanan u aragna uun in nala leeyahay mihnaddiina saxaafadeed kuma shaqaysan kartaan. Wargeyska sharciyaddiisa oo dhammaystiran baanu u haysana. Xeer ilaalinta oo dacwad nooga gudbisay maxkamaddana waxay eed nooga dhigtay in aanan sharciyad haysan laakiin, nidaamka sharci wuu noo dhammaystiran yahay, wax fal dambiyeed ah oo wargeysku galayna ma jirto,” Sidaas ayuu yidhi Khadar Cabdi Xasan (Gureyte) guddoomiyaha wargeyska Waaberi.

Guddoomiyaha SOLJA oo soo dhaweeyay sii daynta Haatuf waxa la waydiiyay xannibaadda saaran Waaberi sida uu u arko “Waxaanu u aragna in sidaa wargeyska Haatuf loo soo daayay wargeys-yada oo dhan loo soo daayo maaddaama wargeys-yada qaar sababta lagu haysta tahay in la kala iibsaday oo aanu runtii u aragno in ay keentay xukumadda oo hor istaagtay sifihii sharciga ahaa ee sida sharciga saxaafadda ama dastuurku jidaynayo loo siin lahaa ruqsadda,”

Guddoomiye Xuuto waxa la waydiiyay waxa ka jira doodda masuuliyiinta Waaberi ee ah in ay haystaan ruqsad ay sifo sharci ah u mareen waxaanu yidhi “ Waa runtood oo waa sidaas, dhukumantigooda waanu hayna wasaaradda warfaafinta dib buu u soo maray oo ay u diwaangeliyeen, xeer ilaalinta maanta dacwaynaysaana dib ayay ugu diwaangeliyeen ninka maanta ku qoran mulkiyadda wargeyska (Waaberi) ee soo saarayay

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.