Wargeyska Waaberi oo Is-bar bar Dhig Ku Sameeyey Siyaasadihii Arrimaha Dibadda ee Xukuumadihii Ra’yaale, Siilaanyo & Madaxweyne Biixi

0
346 views
Dugsiyo Dawladdu Leedahay Oo La Kireeyay

Wargeyska Waaberi oo Is-bar bar Dhig Ku Sameeyey Siyaasadihii Arrimaha Dibadda ee Xukuumadihii Ra’yaale, Siilaanyo & Madaxweyne Biixi
“Siyaasaddii Somaliland Ee Dibaddu Fadhiid Bay Noqotay. Siyaasaddaasi Waxa Ay U Baahan Tahay In Dib Loo Habeeyo, Yididiilo Cusub La Geliyo, Dedaal Cusub La Geliyo, Fikrad Cusub Na La Geliyo.”.Pro.Axmed I. Samatar
Hargeysa(Sayruuq):-Xukuumadihii kala dambeeyey ee Daahir Ra’yaale, Axmed Siilaanyo iyo Madaxweyne Biixi, ayaa si weyn ugu kala duwanaa dhinaca siyaasadda arrimaha dibadda iyada oo inta badan ay dhawaaqyada ka imanaaya xagga shacabka Somaliland ay yihiin kuwo dhaliilo u soo jeedinaaya siyaasadda arrimaha dibadda ee Xukuumadihii kala dambeeyey ee Xisbiga KULMIYE.
Dhawaaqyadan sheegaya in hoos u dhac iyo fashil aad u weyni uu ku yimi siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa muddooyinkii dambe noqdey kuwo si aada isku soo taraaya, waxaana si aada loo dareemayaa gaabiska dhinaca siyaasadda arrimaha dibadda ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi sida ay sheegeen madax ka tirsan Baarlamaanka iyo dawladda Somaliland.
Md.Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka mid ah guddida arrimaha dibadda ee Golaha Wakiilada oo dhawaan la hadlay Warbaahinta, ayaa waxa uu sharaxayaa weydiin aad ugu soo noq-noqotay oo sheegaysa in shacabku ay dareen weyn ka qabaan gaabiska ku yimi siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland.
“Runtii golaha iyo dad badani ba way na waydiiyaan oo waxay yidhaahdaan maxa ku dhacay siyaasaddii arrimaha dibadda oo waxba isa soo tari maayaan, markaa runtii aragtida noocaas ahi way jirtaa oo anigu ma dafiraayo, waana xilkaygii arrimaha dibaddu laakiin maxa sababay weeye muhiimaddu.”.Ayuu yidhi Md.Axmed Cabdi Kijaandhe
Pro.Axmed Ismaaciil Samatar oo isagu na ka tirsan Xisbiga KULMIYE, ayaa aaminsan in ay fadhiid noqotay siyaasaddii arrimaha dibadda Somaliland isla mar ahaantaana loo baahan yahay in dib loo habeeyo siyaasadda lagu la xidhiidhaayo bulshada caalamka ee arrimaha dibadda.
“Waxa aan qabaa in siyaasaddii Somaliland ee dibaddu ay fadhiid noqotay, siyaasaddaasi waxa ay u baahan tahay in dib loo habeeyo, ididiilo cusub na la geliyo, dedaal cusub la geliyo, fikrad cusub la geliyo oo meesha dad la dhigo wadanka gudahiisa iyo dibadda ba baabuurkan ciidda galay dhaqaajin kara .”.Ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar
Xisbiyada Mucaradka Somaliland, ayaa iyagu na dhinacooda marar kala duwan oo ay Warbaahinta la hadleen, waxa ay sheegeen in Xukuumadda Muuse ay ku fashilantay siyaasadda arrimaha dibadda iyaga oo sida oo kale na ay si la mid ah taas dhaliilo ugu soo jeedin jireen siyaasaddii arrimaha dibadda ee Xukuumaddii Madaxweynahii hore ee Mudane Siilaanyo.
Hadda ba, aynu is-bar-bar dhig kooban ku sameyno siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland ee Xukuumadahii Daahir Ra’yaale, Siilaanyo iyo Xukuumaddii Madaxweyne Biixi.
Xukuumaddii Daahir Ra’yaale:-
Xukuumaddii Daahir Ra’yaale, ayaa ahayd Xukuumad ay shacabku aad ugu amaani jireen dhinaca siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland oo inta badan lagu tilmaamo in ay ahayd Xukuumaddii Koowaad ee dhinaca arrimaha dibadda ugu wanaagsanayd dawladihii soo maray Somaliland.
Dhaq-dhaqaaqa siyaasadda arrimaha dibadda ee Xukuumaddii Daahir Ra’yaale, gaar ahaan Ictiraaf raadinta ayaa waxa aad loo dareemay wakhtiyaddii uu wasiirka arrimaha dibadda ahaa Md.Cabdillaahi M.Ducaale, waxaana ay Somaliland beesha caalamka ka heshay saaxiibo badan oo daneeya qadiyaddeeda iyada oo isla wakhtiyaddaas ay markii ugu horreysay dalka timi haweenaydii Afrika u qaabilsanayd dalka Mareykanka Mr’s Jandaya Fareza.
Xukuumaddii Ra’yaale, ayaa dhowr iyo toban dal saaxiib kala ahayd qaaradda Afrika, waxa ay si caadi ah uga qeyb-gali jirtay urur-goballeedyada Afrika, gaar ahaan IGAD iyo kuwa kale ee muhiimka ah ee ka dhaca Afrika, iyada oo halkaas kula kulmi jirtay madaxda iyo diblomaasiyiinta dawladaha ka soo qeyb-gala shirarkaasi isla mar ahaantaana ay u soo bandhigi jireen qadiyadda Somaliland, sida oo kale na waxa ay lahayd Safiiro ka soo jeeda wadamo kale oo ay u magacaabato dalal ka mid ah Aduunka oo ay ka mid ahayd South Afrika.
Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo:-
Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, ayaa iyadu waxa ay caan ku ahayd dabarkii ay jabisay iyo bilowgii dhinaca wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaana inta badan la tilmaamaa in wakhtiyaddii bilowgii hore ee Xukuumaddaasi ay dhinaca arrimaha dibadda ku socotay xawaare aad u sareeya, gaar ahaan wakhtiyaddii uu wasiirka arrimaha dibadda ahaa Dr.Maxamed Cabdillaahi Cumar oo inta badan la arki jiray isaga oo sameynaaya dhaq-dhaqaaqyo xooggan oo dhinaca dibadda ah.
Xukuumaddii Siilaanyo, ayaa lagu ammaanaa in ay meel fiican soo gaadhsiisay wada-hadaladdii Somaliland iyo Somaliya, kuwaasi oo bilow fiican u noqon kara siddii ay dalalka Somaliland iyo Somaliya uga wada-hadli lahaayeen arrimahooda mustaqbal ee ku saabsan labada dal. Balse muddooyinkii dambe waxa si aada loo dhaliili jiray siyaasaddii arrimaha dibadda Somaliland Xukuumaddaasi iyada oo lagu tilmaami jiray ay noqotay mid fashilantay oo ay shacabku na aad uga niyad jabeen, gaar ahaan wakhtiyaddii uu wasiirka arrimaha dibadda noqdey Sacad Cali Shire oo wakhtiyaddaas lafteeda aad shaqaddiisii uga ga mashquulay Maal-gelintii Dekadda Berbera ee shirkadda Dp World iyo Saldhiggii Miltari ee Berbera laga siiyey dawladda Imaaraadka.
Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi:-
Walow ay bilow tahay Xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa hada na ay shacabka Somaliland ka muujinayaan rejo la’aan la xidhiidha dhinaca arrimaha dibadda Somaliland, waxaana ay dadku aad uga war-warsan yihiin halka ay ku dambeysay qaddiyaddii Ictiraaf raadinta ee Somaliland oo shacabku naawilayeen in mudada hore ee Xukuumadda ay arkaan rejo la xidhiidha dhinaca Ictiraafka sida oo kale na ay Xukuumadda Muuse ku dhaami doonto Xukuumaddii ka horreysay ee Madaxweyne Siilaanyo.
Illaa hada ma jiraan tallaabooyin muuqda oo ay dhinaca arrimaha diabdda ay u qaadey Xukuumadda Biixi, waxaana siyaasiyiinta Somaliland, ay qaarkood sheegaan in Xukuumadda Somaliland ay xiligan ku jirto go’doon siyaasiya isla mar ahaantaana loo baahan yahay siddii dib u habeyn looggu sameyn lahaa siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland, iyaga oo inta badan aad u dhaliila wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire oo lagu eedeeyo in wasaaraddiisu ay ka gaabisay dhaq-dhaqaaqyo badan oo la xidhiidha dhinaca siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland.
Source: Wargeyska Waaberi
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.