Wargeyska Indian Ocean Oo Sheegay in Mareykanku Madaxweyne Geelle Cadaadis Ku Saarayo In Uu Tallaabo Ka Qaado Ganasade Maxamed Aw-Siciid Oo Eedo Culus Loo Haysto

0
3,533 views

Wargeyska Indian Ocean Oo Sheegay in Mareykanku Madaxweyne Geelle Cadaadis Ku Saarayo In Uu Tallaabo Ka Qaado Ganasade Maxamed Aw-Siciid Oo Eedo Culus Loo Haysto
Wargeysku Wuxuu Sheegay In Ay Halis Ku Jirto Shirkadda Ina Aw-Sasiciid Oo ay Saami Ku Leeyihiin Marwada 1-aad Ee Jabuuti Iyo Marwada Madaxweynahii Hore Ee Somaliland Aamina-Weris

Jabuuti(Sayruuq)-Wargeyska The Indian Ocean, ayaa sheegay in sirdoonka Maraykanku eedo culus ku soo oogeen ganacsade Maxamed Aw Siciid Geeddi ah guddoomiyaha shirkadda Somcable, islamarkaan hadda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle cadaadis culus lagu saarayo in uu arrintaasi wax ka qabto.

Cadadka Wargeyska ee soo baxay 31-Ogos, waxa lagu sheegay in Maxamed Aw Siciid Geeddi badhtanka u fadhiyo eedaymo ku saabsan ka ganacsiga hub sharci darro ah. “Suda ka sheegay sirdoonka Maraykanku waxay dawladda Jabuuti uga digeen dhaq-dhaqaaqyada sharci darrada ah ee ganacsadahan reer somaliland Shirkaddiisa ay saamiga ku leeyihiin Marwada Kowaad ee Jabuuti Marwo Khadra Maxamuud Xayd iyo marwada Madaxweynihii hore ee somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa si qayaxan loo waydiistay in uu si aan habsan laheyn wax uga qabto dhibaatadan,”. Sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta Wargeyska The Indian Ocean.Wargeysku wuxuu intaas ku daray in arrintani dhaawacday sawirka ama sumcadda ganacsade Maxamed Aw Siciid Geeddi ku leeyahay Jabuuti iyo sida oo kale xidhiidhka uula leeyahay Marwada Kowaad Khadra Maxmauud Xayd.
Waxaanay wabixintu sheegtay in Ameerikaanku sheegeen in ay caddayn u ahyaan eedaha ay ku soo ooggeen ganacsade Ina-Aw Siciid.

Warbixintu, waxay intaas ku dartay ina ganacsade Maxamed Aw Siciid meesha uu gabaad ka dhiganayaa noqon doonto Somaliland si la mid ah sidii uu yeelay Axmed Cismaan Geelle, Madaxa Shirkadda SBi oo sanadkii 2017 dawladda Jabuuti u jrtay waaranlagu soo qabanaayo markii khilaad soo kal dhex-galay Jabuuti.
Wargaysku wuxuu dheegay in hadii eedahan cusub rumoobanuu ganacsade Ina Awsiciid halis galayo. Waxa uu sheegay in ganacsadahan oo bahwadaag la ah Dahabshiil hadana uu dhammaystirayo xidhigga Febric Optic ee Jabuuti iyo Somaliland, islamarkaana Berbera ka dhisayo xarun weyn oo dhanka isgaadhsiinta ah siiba xadhigga isgaadhisinta ee badda hoosteed mara.

Warbixintu waxa kale oo ay tilamaantay in Gnacsadahani sii haysan doono khadka isgaadhsiinta Febric Optic oo kooto ugu xidhan maaddaama uu si weyn uu soo taageeray Madaxweyne Biixi xilligii ololaha, ilamarkaana ay yihiin isku beel iyo isku deegaan.

Warbixinta Wargeyska Indian Ocean waxay imanaysa iyda oo todobaadadii la soo dhaafay warbixin ay sooo saartay xarunta falanqaysa mushkiladaha ee EXX Africa lagu sheegay in Jabuuti xarun u noqotay ka ganacsiga hubka sharci darrada ah ee Yemen oo la sii dhex-mariyo Somaliland laga na soo galiyo gobolka Awdal. Eedahaas oo salka ku hayay in hubkaasi la gaadhsiiyo maleeshiyaadka ka dagaalama Geeska Afrika, kuwaasi oo uu markii dambe na uu si weyn u beeniyay wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo bogiisa Twitterka soo dhigay qoraalo dhawr ah oo uu ku baahiyey.

Geesta kale, Wargayska Inadian Ocean, waxa kale oo uu daabacay in dawladaha Somalia iyo Kenya ay isku haystaan soo qabashada Fahad Yaasiin oo ah ku xigeenka Sirdoonka Somaliya oo dawladda Kenya u haysato arrimo khuseeya in uu dhowr baasaboor oo kala duwan uu ka qaatay dalka Kenya,waxaana arrintaasi illa hadda ku muransan oo iksu af garan la wasiiradda arrimaha dibadda ee Somaliya iyo Kenya.
Xigasho:Wargeyska Waabari
Hargeysa-Somaliland
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.