Warbixin Layaab Le : Cuntadda Duxdda lihi Ma-Kordhiso Miisaanka Jidhka

0
78 views

London(Sayruuq)- dalka ingriiska caasimadiisa London shalay (Daraad) oo isniin aheyd waxaa laga sameeyay labba olole oo lagula dagaalamayo kororka miisanka xad dhaafka ah iyo dhibaatooyinka ku tacluqa arrimaha habnidaamedka cuntadda iyo sidii xal waara logo gaadhi lahaa sidaa awadeed waa in laga fogaado waxyaabaha keena baruurta oo ay kow ka tahay cuntooyinka duxda iyo dufanka leh ,ololhaasi ayaa sheegay in dadka lagu dhiirigalin isticamaalka duxdda .
Balse waxaa soo baxay warbixin shaki iyo humaag yar ay ka bixyeen xeeldheerayaasha dhanka caafimaadka , ururka wadaniga ee la dagaalanka cayilaada iyo ururka caafimaad guud ee Ingriiska ayaa isaguna dhankiisa sheegay in “duxda oo la cunaa aysan kordhin miisanka”
Tilmaamaha ay bixinayaa labadaasi urur waa in la cuno khudrada iyo carbohydrate sida bariiska iyo roodhida makaroonaha iyo waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin laxooda aynu ku quraacno soomali ahaan,iyo cuntaanka la yaraysanayo oo wax yar laga isticmaalayo sida ,hilibka iyo kaluunka iyo beedka iyo waxyaabo badan oo ay ka mid ah barotiinka aan warshad la galin sidaa waxyaabaha laga saaro caanaha .
Intaas waxay raaciyeen oo ay dadka ku dhiirigaliyeen isticmaalka caanaha iyo waxyaabaha laga soo sameeyo ee aan duxdu ku badneyn ,qoladan waxay ka digtay cuntooyinka iyo shaarbka milixdu ku badantahay iyo duxda iyo sonkorta shardi ayay laakin raaciyeen ah in laga isticmaalo xadi yar .
Warbixantan oo cinwaan looga dhiray “cun duxdda ,yarayso ..ka fogwo cuntooyinka saddexda waqti cuno u dhaxeeya ,iska rid miisanka iyo macaanka kiisa labaad” waxayna wax badan ka badaleen qaaki hore iyo talooyinii ku aadana cuntooyinka u dhaxeeya saddexda waqti cunto oo ay ku sheegeen in uu kordhiyo miisaanka jidhka .
Ugu danbeyntii warbixntaasi waxay ku soo afmeereen in fariimaha la xidhiidha yaraysashada cuntooyinka duxdda leh ay hoos u dhigeen kalastaroosha ay leedahay cidhib xumo caafimaad oo aan la mooganayan .
Warbixinta ka shakigeega .
Khubaro ku xeekdheer arrimaha caadimaadka iyo cuntooyinka ayaa shaki weyn ka muujey natiijadda warbixntaasi , Waxay sheegeen in uu ahaa mid aan xulashadiisu iyo doorashadiisuba caddayn.
Maamulaha mu`asasadda wadnaha ee dalka Ingriiska ee Mack Napton ayaa sheegay in warbixntan aya ka buuxaan fikiro iyo ra`yi ,balse aysan ku fadhiyen qaacido iyo daliilo dhamaystiran oo awood badan,intaas waxaa uu raaciyey in cudurka buurnida xad dhaafka ahi ,ay wadanka ku habsaday ka iman talooyinka cuntooyinka ee ay khubardu bixiyeen ,balse ay ka yimaadaan bulshadda oo talooyinka loosoo jeediyo aan raacin .
Khabiirkan ayaa ka digay in aan awood la saarin cunto gooniya ama maadooyin gaar ah taasi hadii aad sameysana waxay ka dhigantahay argti gaaban oo khalkhal galin iyo cabsi ku abuuraysa qofka raba in uu xal ka gaadho dhibaatooyinka miisanka xad dhaafka ah ,ama keena ba .
Geestisa john awas oo ah la taliyaha gaarka ah ee arrimaaha cayilaada ee kuliyadda caafimaadka boqrtooyada ayaa ku gaacan saydhay labada olele ee shalay isniinti ka bilaabmay dalka ingriiska waxaanu ku tilmaamay in muran lagu dhex abuuro bulshadda laga wanaagsanayahay maxaa yeelay labdan qolaba mid kasataaba waxaa uu taageeraya daraasao iska soo horjeeda .arrintuna ma ahaa ha la cuno duxadda iyo ha la iska daayo .
Intaas waxaa ku daray in ay jiraan daliilo cad oo tibaaxaya in duxdda keenta dharagu ay kodhiso kalastaroosha iyo dhibaatooyinka xanuunadda halbowlayaasha dhiiga ,waxa kaliye ee loo baahanyahay ayuu yidhi khabiirku waa helo hab cunteed oo isku fadhiya iyo jimicsiga jidhka oo si nidaamsan loo sameeyo iyo ku dadaalida miisankacaafimaadka leh.

Mohamud Askar
Sayruuq.com/Hargeisa-Office
Moaskar@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here