Warbixin lagu diiwan geliyey dhacdooyinka maalin laha ah ee dilalka qorsheysan ee Muqdisho

0
318 views
Warbixin lagu diiwan geliyey dhacdooyinka maalin laha ah ee dilalka qorsheysan ee

Warbixin lagu diiwan geliyey dhacdooyinka maalin laha ah ee dilalka qorsheysan ee ay aragagexisadu ka geysato Gobolka Banadir ayaa bishii May 2018 waxay gareen ilaa 57 dhacdo oo waxyeelo naf iyo maal ba leh loogu geystay dad rayad, shaqaale iyo ciidanka dawlada. Ugu yaraan 45 dhacdo oo ka mid ah waxaa geystay Alshabaab, halka 2 ka mid ah ay Ururka ISIS sheegteen, inta kale ayaa ahaa isku dhacyo ka dhashay qeybaha kala duwan ee Ciidanka dawlada, gaar ahaan Milatariga.

Dhacdooyinka oo celcelis noqonaya 2.4 dhacdo maalinkiiba ayaa isugu jira dilal qorsheysan, weerar miino gacmeed, isku dhacyo iyo miino gawaari lagu xiray, waxaana ku dhintay 66 ruux iyadoo ay 25 kale dhaawacyo ka soo gaareen. Dadka dhintay ayaa 12 ka mid ah shacab ahaayeen, halka 44 ay askar iyo shaqaale dawlad ahaayeen. Waxaa intaa dheer in argagexisadu soo kordhiyeen in ay dilalka qorsheysan ee ay geystaan filimaan ka duubaan.

Warbixinta waxay muujinaysaa habacsanaanta amniga iyo fursada ay aragagexisadu u haystaan in ay gumaadaan shacabka iyo shaqaalaha dawlada. Madaxda laamaha amniga ayaa sedex arrimood u tiirinaya habacsanaanta amniga

1- Khilaafka siyaasadeed ee joogtada ah oo sababay in madaxda sare ee dawlada ka mashquulaan mudnaan siinta hawlaha amniga.

2- Isbedel joogta oo lagu sameeyo madaxda laamaha amniga, iyadoo ay madaxda sare ee dawlada hay’adaha amniga ku hayaan faragelin iyo gacan dhaaf lumiyey kala danbayntii hay’adaha Nabadgelyada. Waxaa soo ifbaxay dhalinyaro toos ugu xiran madaxda sare ee dalka iyo dadka ka ag dhow, kuwaasoo aan ka amar qaadan taliyayaashooda.

3- In taliyayaasha ciidanka markasta lugaha loo geliyo khilaafyada siyaasadeed, laguna qasbayo in ay ololaha siyaasadeed ka qaybqaataan, iyagoo hanti iyo waqtiba geliya arrinkaas taasoo ka mashquulisa hawlaha amniga ee maalinlaha ah.

Dhinaca kale, waxaa isi soo taraya in kooxaha argagexisada ahi ay si xoogan ugu dhex duseen lamaaha amniga, dadna ku dhex tabcadeen. Haddaba hadii xaalku sidan ku sii socda waxay sababi kartaa

1- In shacabku lumiyo kalsoonida ay ku qabaan hay’adaha amniga, halkaasna ay ka baxdo wadashaqantii. Ogow dagaalka aragagexisada waa mid kasbashada shacbaka lagu dirirayo.

2- Waxaa kaloo dhici karta in bartilmaamsiga sii kordhaya ee shaqaalaha dawlada, askarta iyo saraakiisha laamaha amniga ay keento in cabsidu ku qasabto in ay argagexisada la macaamilaan una fududeeyaan hawlgalkooda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here