Warbixin: Halkee Ayay Somalia Ka Soo Gashay Heshiiskan, Maxaa Soo Dedejiyey Meel-marintiisa, Yaase Qaadanaya Lacagaha Dilaalka ah?

0
49 views

Dubai (Sayruuq)- Saldhiga Imaaraadku uu ku yeelanayo dalka Somaliland gaar ahaana magaalada Berbera ayaa lagu kala saxeexday lacag dhan 7 milyan oo dollarka maraykanka.

Sida uu xaqiijiyey masuul ka tirsanaa maamulkii hore ee Xasan Sheekh oo ay shabakadda Hadhwanaagnews la xidhiidhay, lacagtan ayaa illaa hadda la wada shubin isla markaana waxa la filayaa inay marto saddex waji, iyadoo ay jiraan shuruudo ku xidhan sii daynta lacagtaas oo ay ka mid yihiin in la qeexo nooca saldhig ee Imaaraadku Somaliland ku yeelanayo.

Masuulkan ka tirsanaa madaxtooyada Somalia oo codsaday inaan magaciisa la xusin ayaa cadeeyey in heshiiska saldhigu asal ahaan ka mid ahaa mashruucii DP World hase yeeshee ay xukuumadda Somaliland farsamo ahaan codsatay in la kala qaado labada qodob, inkasta oo ay ogolaatay inay isku noqdaan hal mashruuc.

 

burco13

Masuulka ayaa intaas ku daray in heshiiskan ay si wadajir ah uga shaqeeyeen safiirka Somalia u fadhiya Abu Dhabi, Cabdulqaadir Sheekhey Al-Haatimi iyo Wakiilka Somaliland u qaabilsan Imaaraadka ee Baasha Cawil (Morgan), waxaana xusid mudan inuu heshiiskan oo saddex geesood ahaa uu dhinaca Somaliland metelayay Baashe oo aan cidna kala tashan badi hawlaha la xidhiidha heshiiskan qaran dumisnimada ah sidoo kalena waxaa heshiiska qayb ka ahaa dalalka Imaaraadka iyo Somalia.

Kulan badhtamihii bishii December ee sanadkii 2016-ka magaalada London ku dhexmaray wakiilka Somaliland ee Dubai Baashe Cawil iyo Safiirka Somalia ee Abu Dhabi Cabdulqaadir Sheikhy ayaa lagu nashqadeeyey in heshiiskan Saldhiga iyo Mashruucii DP World  shacbiga Somaliland loogu dhigo laba heshiis oo kala gaar ah balse is fahanka saddexda dhinac uu ahaado in Imaaraadku galo laba heshiis oo hadana isku raran ah, sidoo kalena waxaa kulankaas la iskula qaatay in heshiiysadan la ansixiyo iyadoon shacbiga Somaliland ogaan inay Somalia qayb ka tahay heshiiskan.

Mid ka mid ah siraha xasaasiga ah ee uu masuulkani fashiliyey ayaa ah inaan marna la keenin nuqulka dhabta ah ee heshiiska saldhiga millatari taas bedelkeedana xukuumadda Somaliland looga fadhiyo inay golayaasheeda sidii suurtogal ah uga dhaadhiciso heshiiska, taasoo keentay in afartii waraaqood ee af soomaaliga ku qornaa ay xukuumaddu soo yab-yabto.

Sidoo kale xogta ayaa intaas ku daraysa inaanu heshiiskani kali ku ahayn dalka Imaaraadku balse ay ku lamaan yihiin wadamada xulifad ku ah dagaalka dalka Yemen,  waxaana saldhiga military kharashkiisa qaybsanaya wadamada Sucuudi Carabiya iyo Imaaraadka, waxaase heshiiska galaya isla markaana hirgalinaya Imaaraadka.

Goormuu saldhigu hindisehiisu bilaabmay, maxaase jujuubka soo dedejiyey?

Saldhiga Imaaraadka ayaa waxa soo dedejiyey kadib markii sanadkii hore safaarada Ruushka ee dalka Itoobiya la soo xidhiidhay madaxda Somaliland ah oo la sheegay in uu ku jiray wasiirka arimaha dibada Dr. Sacad Cali Shire, isla markaana ay weydiisteen in saldhig milatari Ruushka ku yeesho Somaliland, gaar ahaan magaalada Berbera, hase ahaatee arinkaas intii aan madaxweyne Siilaanyo la gaadhsiin ayaa waxa xubnaha wasiirada ee sita baasooboorada shisheeye, sida wasiirka madaxtooyada, Maxamuud Xaashi iyo Baashe Morgan ay ku wargaliyeen safaarada Ingiriiska ee Adis Ababa dalabka kaga yimid Ruushka, waxaana lagaga jawaabay in saldhigaas la siiyo Isbahaysiga Carbeed ee dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta oo ay taageeraan Iran iyo Ruushku, waana ta soo dedejisay in Imaaraadka la soo hor koco.

Hase ahaatee bixinta saldhiga Imaaraadka ee Bebebra ayaa sidoo kale loo dedejiyey  sababo la xidhiidha doorashada Somalia, iyadoo qorshuhu ahaa in ka hor inta aanay xukuumadda Xasan Sheekh dhicin la meelmariyo heshiiskan maadaama ay qayb ka ahayd heshiiska, waxaana ay dhamaan shacbiga Somaliland xasuustaan sidii foolxumada lahayd ee ay xukuumadda Somaliland u dhaqan tay si ay u ansixiso heshiiskan, iyadoo aanay maskaxda shacbiga ka bixin, isku darkii qayrul sharciga ahaa ee labada gole, laaluushkii xildhiibaanada, garaacii mudanayaasha baarlamaanka iyo hadaladaii nac-nacda u badnaa ee wasiirka Madaxtooyadu ku tiraabay si uu heshiiskan khiyaamada ahi u meel maro.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here